Dagaalkii Gobolka Nagorno-Karabakh Oo Dib U Billowday
Washington ayaa
Talaadadii ugu baaqday Azerbaijan inay hakiso howlgalka militari ee ay ka
billowday gobolka ay maamulaan Armeeniyiinta ee Nagorno-Karabakh, halka Ruushka
uu ku booriyey labada dhinac inay hakiyaan dhiigga daadanaya.
Kadib bilo ay xiisadda
sare uga sii kaceysay gobolka Nagorno-Karabakh, Azerbaijan ayaa ciidamo u
dirtay ayada oo isku dayeysa in gobolkan gooni u goosadka ah u cago dhigto.
Karabakh ayaa waxaa
caalami ahaan loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dhulka Azerbaijan, hase
yeeshee waxaa qeybo ka mid ah maamula mas’uuliyiinta Armenia oo ku dooda inuu
yahay dhulkii awoowyaasood.
Xoghayaha Arrimaha
Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa taleefonka kula hadlay madaxweynaha
Azerbaijan Ilham Iliyev iyo ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan, isaga
oo Baku ku booriyey inay xiisadda qaboojiso.
"Waxaan maanta la
hadlay madaxweynaha Azerbaijan Aliyev, waxaana ku booriyay inuu si deg deg ah u
joojiyo howlgalka militari ee Nagorno-Karabakh," Blinken ayaa sidaas ku
yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Qoraalka wada-hadallada
ayey Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ku sheegtay in Aliyev "uu muujiyay
inuu diyaar u yahay" joojinta colaadda iyo inuu kulan la yeesho wakiillada
Nagorno-Karabakh.
Blinken ayaa ugu
sheegay Pashinyan wada-hadalladooda in Armenia ay taageero buuxda ka haysato
Washington.
Armenia ayaa dhul
ballaaran kula wareegtay dagaal dhacay markii Midowgii Soviet uu burburay.
Azerbaijan ayaa inta badan ku soo ceshatay dagaal lix toddobaad socday oo
dhacay 2020, kaasi oo ku istaagay xabbad-joojin uu Ruushku dhex-dhexaadiyey.
Maamulka gooni u
goosadka ee Karabakh ayaa sheegay in 27 qof ay ku dhinteen, oo ay ku jiraan
labo rayid ah, in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen tallaabada militari
ee Baku ay qaaday Talaadadii. Shacabka xaafadaha qaarkood ayaa sidoo kale la
daad-gureeyey, sida ay shegeeen.
Moscow ayaa saaka oo
Arbaco ah ugu baaqday labada dhinac inay joojiyaan dhiigga daadanaya iyo
colaadda, ayna ku soo laabtaan dhaqan-gelinta heshiiska xabbad-joojinta ee
2020.
"Waxaan ugu baaqaynaa
dhinacyada iska soo horjeeda inay si degdeg ah u joojiyaan dhiigga daadanaya,
joojiyaan colaadda, meeshana ka saaraan khasaaraha rayidka,” ayay wasaaradda
arrimaha dibadda Ruushka ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay barteeda
Telegram-ka.
Yerevan, oo
wada-hadallo nabadeed oo goos goos ah la yeelaneysay Azerbaijan, oo ay ku
jiraan su’aalo la xiriira mustaqbalka Karabakh, ayaa cambaareysay "gardarrada
baaxadda leh” ee Baku ee ka dhanka ah shacabka Karabakh, waxayna Azerbaijan ku
eedeysay duqeynta magaalooyin iyo xaafado.
Baku ayaa tiri in
ujeeddadeedu tahay "in hub ka dhigis laga sameeyo lana sugo ka bixitaanka
ciidamada qalabka sida ee Armenia ee dhulkeena, (iyo) in laga takhaluso
kaabayaashooda militari."
VOA