Dal Dadkiisu Wada Gaboobeyn Iyo Sababta Arrintaa Keentay
Markii ugu horreysay
abid, in ka badan hal 10-kii qof ee dalka Japan ku nool ayaa hadda da'doodu
tahay 80 ama ka weyn.Xogta qaranku waxa kale oo ay muujinaysaa 29.1% 125 milyan
oo qof in ay da'doodu tahay 65 jir ama ay ka weynyihiin.
Japan waa mid ka mid
dalalka heerarka dhalmada ugu hooseeya adduunka.Waxay leedahay Japan heer ah in
dalkeeda ay ku noolyihiin dadka ugu da'da weyn adduunka sida Qaramada Midoobay
ay sheegtay.
Tiradaan la shaaciyay
ayaa ah 24.5% Talyaaniga iyo Finland, ayaa iyagun ku soo xiga oo ah 23.6%,
iyagoo ku kala jira kaalimaha labaad iyo saddexaad.
Japan, kuwa da'doodu ka
weyn tahay 65 ayaa la filayaa in ay noqdaan 34.8% dadweynaha dalkaasi marka la
gaaro sanadka 2040-ka, sida uu qabo Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Dadweynaha
iyo Amniga Bulshada.