Muuse Biixi Oo Magacaabis Sameeyay.
Muuse Biixi Cabdi waxa
uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Xubnaha cusub ee Komishanka Xuquuqul
Insaanka Qaranka.
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo
taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha hoos ku xusan in ay noqdaan Xubnaha
Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:
Tir Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud
Cali Xubin
2. Maxamed Xasan Caalin
Xubin
3. Mustafe Cali
Cismaan Xubin
4. Baashe Maxamuud
Faarax Xubin
5. Maxamed Jaamac
Ibraahin Xubin
6. Cabdiraxmaan Cismaan
Cabdulle Xubin
7. Muuse Jaamac
Cigge Xubin
Xubnahan oo sida
sharcigu dhigayo ay soo xuleen Guddida xulista xubnaha Komishanka Xuquuqul
Insaanka Qaranka oo madaxweynaha Qaranka u soo gudbiyey 14 xubnood si uu ugala
soo baxo madaxweynuhu todobadan xubnood kuna magacaabo wareegto
Madaxweyne, Sidaa darteedna todobada
xubnood ee kalena u noqdaan keyd xubnahaa madaxweynuhu ku magacaabay
wareegtada.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi