Dal Iyo Dad Ma Rabno Ee Beeshaa Nagala Weyn (Abdi-Shotaly ).

0
Tuesday September 19, 2023 - 10:25:24 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dal Iyo Dad Ma Rabno Ee Beeshaa Nagala Weyn (Abdi-Shotaly ).

    * N.B Badheedh U Dhaha Dal Iyo Ma Rabno Ee Beel Baanu Doonayna.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Badheedh U Dhaha Dal Iyo Ma Rabno Ee Beel Baanu Doonayna.



Qoraalkani wuxu ku socdaa Mr Osman Mohamed Warsame, oo sheegtay Subeer Awal, Jibril Abokor iyo koox-diisa, sidaas Wgeed bal ka gar qaad haddii aad daacad ka tahay, oo nala eega waxa ay koox-daasi xeeri-nayso iyo waxa aan Aniga Mujaahid Ali Biixi aan rabno in aanu aragano, ugu horayn waxaanu doonaynay somaliland xor ah oo la wada leeyahay, aan la kala lahayn, sharciga loo siman yahay, cadaaladu shaqeyso oo cid kasta,na ay ka sareyso, eex iyo qabyaalad lahayn, dadku wada siman yihiin, wada noolaanshaha laga wada shaqeynaayo, bulshadu aanay kala ahayn first class iyo second class iyo third class.



 

Laakiin aad baan uga xumahay meesha aad somaliland gaadhsiiseen, ee aad burburi-seen midnimadii shacabka, walaal-tinimadii iyo Duriyadii Somaliland, maanta waa ta layska kaa qafaalanaayo adiga oo aan waxba geysan, layska kaa xidhaayo, maxkamad la'aan, oo aan cadaalad iyo sinan iyo xuquuq dadka qaarkood lahayn, ee dad mudaaharaad silmiya oo siidhi sita,


Ciidan ku sheega maamulka askartu xabad la dhacayaan , qaarna dhaawacayaan ,

qaarna xidh-xidhayaan oo hablihii jeelasha lagu guray, la dilay caruurtii .

 

Somaliland-ta maanta maaha somaliland tii aan siyaad bare kula dagaalamay .

Waa mid ka xun diktaatoorkii isaaqa xasuuqay,


Waa mid ka fool xun tii aanu la dagaalanay, Waa mid samaynaysa wixii aanu ka dagaalanay iyo wax ka xun.

 

Musiibada ugu weyni waxa weeye dad idinka oo kale ah ayaa hadana difaacaaya oo garab siinaaya burburinta dad-keena iyo kala qeybinta umadeena oo indho la' oo dhego la' taageeraaya cadaalad darada iyo xaq darada iyo dulmiga in gaar ah lagu samaynaayo.


 

Hadii aan layska qaban maamulkan foosha xun ee daalimka ah,

Dal-keenii, dadkeeni, midnimadeenii, jiritaan-keenii, is aaminaadeenii iyo wada noolaan shaheenii khatar ayay ku jirtaa, mana hayno imika.


Idinkuna halkii aad nagala badbaadin lahay-deen dalka iyo dadka

Ayaad weli u adeegay-saan burburka iyo kala qeybsa-naanta iyo duminta dalkeenii iyo dadkeenii.

 

Cadaalad iyo sinaan iyo midnimo iyo sharciga oo shaqeeya loona siman yahay iyo xoriyad


Waa in la wada helaa.

 

Hadii kale waa in lays wada barbar yaacaa .


Waana lays wada barbar yaaci doonaa.Dadku waa dal-keenii, dad-kuna waa dad-keenii. Waa inaynu badbaadinaa.


Anagu subeer awal isma hayno.

Askarta iyo masmul-koodda khariban ayaanu toosinaynaa.


Waxaan la yaabanahay adiga iyo kuwa kale ee ku nool Britain ee arkay Dimuqraadiyada, cadaalada, sinaanta iyo wax wada lahaan-shaha iyo wadda noolaan-shaha, horumarka iyo waxa yar ee sharci jebinta ah ee lagu eryay PM dalka Britain, arkay awooda dalka ugu sareysaa in ay tahay shacabka ee arkaaya sharci jebinta iyo cadaalad darada iyo eexda iyo qabyaalada iyo musuq-maasuqa iyo wax kasta oo xun oo eydaan yeesheen oo uu " Raggii ma adigaa ka hadhay" samaynaayo.


Waxaad u taageeraysaan.

Anigu idinka ayaan idinla yaabanahay. Waxa aanad naf-taada u quudheen ee aanad raali ka noqo-teen

In aad beel kale kula ku sameyso ma kula sax baa adba maad yeesheene.

 

Mee damiir-kiinii?

Meeday dadnima-diinii?


Meeday muwaadin-nimadiinii? Mee caqli-giinii?

Meeday maskax-diinii?


Waxa qof kasta oo somalilander khasabah ku ah in uu dal-kiisa iyo dad-kiisa ka badbaadiyo maamulkan xun ee faasidka ah.


* N.B Badheedh U Dhaha Dal Iyo Ma Rabno Ee Beel Baanu Doonayna.


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...