Maxaabiis Ay Isdhaafsadeen Iiran Iyo Mareykanka Oo Qatar Ka Soo Dagay.
Shan qof oo uu dhasahy
dalka Mareykanka oo sannado ku xirnaa dalka Iran ayaa la filayaa in maanta la
sii daayo, iyadoo maxaabiis la isku weydaarsanayo.
Shan qof oo Iiraaniyiin
ah oo ku jira xabsiyada Mareykanka ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa,
heshiiskaas oo Qatar dhexdhexaadineyso ayaa ah mid adag oo muran badan
dhaliyay. dadka la sii daayay ayaa hadda ka soo dagay Doha.
Xoghayaha Arimaha
Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in 30 qof Mareykan ah oo si
xaq darro ah loogu xiray adduunka oo dhan lagu soo celiyay guryahooda inta uu
maamulka hadda jira.
Wuxuu sheegay in Biden
uu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu qaato go'aamo adag si dadka Amerikaanka ah
ee ku xiran dibada loo soo fasaxo.
BBC