Caruur Walaalo Ah Oo Naafo Ah Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Gurigooga Burco
Burco (HWN) Laba
Carruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay, dab ka kacay guri jiingad ah oo ku
yaalla xaafada Hodan ee magaalada Burco.
Abaaro 2:25 duhurnimo
ee shalay, Ciidanka Dab-demiska Burco oo goobtaas gaadhay gurmadna u fidiyay ,
waxaanay ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna Maydka
Caruurta laga soo saaray guriga oo dabku wada haystay.
Caruurta ayaa ahaa
walaalo, sidoo kale caruurtaas ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u
dhaxaysay 10-11 sanno.
Guriga ay carruurta
walaalaha ahi ay ku gubteen ayaa ahaa Jiingad markiiba dabku wada qabsaday kana kooban laba qol iyo barande.
Ciidanka Baadhista Booliska ayaa la wareegay baadhista kiiskaas, waxaana
maydkii la gaadhsiiyay cisbitaalka Burco.
Ugu dambayn ciidanka
Dab-demisku wuxuu halkan fariin adag uga dirayaa bulshada Somaliland inay ka
digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab. Sidoo kale caruurta kaga tagin
guryaha, taasoo waayadan dambe carruur badani ku geeriyoodeen.Fadlan muwaadin
hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990
shirkadaha Telesom iyo Somtel guud ahaan lixda gobol ee Somaliland.
Ciidanka Dabdemisku
wuxuu murugada la qaybsanayaa qoyskaa geeridu ku dhacday, waxaanu ALLE uga
baryaynayaa in beddel kheyr qaba siiyo.