Musharax Ciro Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo Suuqyada Gubtay

0
Sunday September 17, 2023 - 14:24:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Ciro Oo Xukuumada Ugu Baaqay In Baadhis Lagu Sameeyo Suuqyada Gubtay

    "Xukuumadda waxa aan u soo jeedinayaa in baadhis qoto dheer lagu sameeyo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumadda waxa aan u soo jeedinayaa in baadhis qoto dheer lagu sameeyo"



Hargaysa (HWN) Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxman Cirro, ayaa ku baaqay in baadhis lagu sameeyo sababaha keena suuqyada gubanaya ee Somaliland.

 

"Dabka goor dhaweyd ka kacay Suuq-ganacsiyeedka degmada Tog-Wajaale runtii waa masiibo kale oo soo korodhay, Xisbi ahaan iyo shakhsiyan waxa aan la dareen iyo damqasho nahay ganacsatada caawa hantidoodii ku waayey masiibadaa dabka ah ee suuqoodii weynaa haleelay.

 

Waa arrin xanuun innagu wada ah in hanti badani dabkaa galaafanayo, Ilaahay baan uga baryeynaa in uu cawil kheyr qaba ugu beddelo, Xukuumadda waxa aan u soo jeedinayaa in baadhis qoto dheer lagu sameeyo soo noqnoqashada gubashada Suuqyada dalkeenna.” Ayuu yidhi musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro.


Loading...
Loading...