'' Isaaq & Hawiye ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje
Cabdilaahi Ciise iyo M I Cigaal , waxay ahaayeen labadii xoghaye guud ee labadii Xisbi ee aqlabiyada ka haystay labadda dhinac ee ( SYL IYO SNL) , dhinaca kale C/laahi ciise wuxu ahaa madaxwaynihii dawlad hoosaadka , halka Ina cigala ahaa Raysal wasaaraha dawladdii Somaliland ee ingirisku maamulayay ee la doortay febuary 1960 .
Hadaba Cigaal iyo C/laahi Ciise waxay ku heshiiyeen in ay labadooduba labadooda dawladood badka soo dhigaan , labadooda kursina ka tanaasullaan , si loo xoreeyo 3 Soomaaliyeed ee maqan .
Sidaa darteed dawladii la dhisay 1960 labadii nin ee Cigaal iyo C/laahi mid walba waxaa lagga dhigay labba wasiir , halka Cigaal lagga xidhay 1969 ,C/laahi Ciisena loo diiday in laggu aaso Mogdisho 1989 , ka dib markii uu geeriyooday Rooma .
Maanta 2019 , Soomaalidii Itoobiiya hawsheedda ayay wadataa , waxaanay ku dagaalamaysaa in dhulkii Soomali galbeed Ogaadeeniya loo bixiyo , Soomalidii Jabuuti hawsheeda ayay wadataa , oo Dawlad wada Ciise ah baa u dhisan , Soomaalidi kenya hawsheeda ayay iyana wadataa .
Sidaa markay tahay , Labadii qolo ee sababta u ahaa dhismaha Jamuuriaydii Soomaaliya , Dawladahoodiina uga tanaasulay in ay raadiyaan Soomaalida maqan , ayaa maanta Soomaalidii ay rabeen in ay xoreeyaan iyaggii dib u qabsatay una haysataa .
Maanta Mogdisho xaquuq maleh , cid matasha ma leh , wadooyinkeeduna waa xidhan yihiin , halka Hargaysina ay raadinayso sodon sanadood xaquuqdii ay lahayd 60 sanno ka hor .
Markaa taladdu ka maarmi mayso in Isaaq iyo Hawiye dib uga xisaabtamaan horta maxaynu u midownay , maxaynu raadinaynay , maanta maxaa jirra , inaga xaaladeenu waa sidee , maxaa inoo dana .
W/Q: Ahmed Nour Guruje
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!