Gudi Dhaarsan Baan Nahay ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday September 17, 2023 - 10:23:47 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gudi Dhaarsan Baan Nahay ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Hunguri Dhaatay Baan Ahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Hunguri Dhaatay Baan Ahay


Maansadani waxay ku socotaa Kuwa " Hunguri dhaq-meedka ah" ee uu ugu horeeyo " Gudcur-Gude" Iyo Intuu ku hor kaajo, maansadda waxa la yidhaahaa "Beentaan dheef ku raad-saday" ee ku soo dhawaadda, waa tane:,


 

(1) Adoo maalin dhereg raba,

(2) Dheri uu kulaaliyo,



(3) Dhadhamadda u foog tagay,

(4) Dheef raadis aad tahay,


(5) Dhaqan-kaagu calaf doon,

(6) Dhabaq-saday cad quudheed,


(7) Dheg xumadda tolkii jecel,

(8) Cadaw dhabarka taabtee,


(9) Loo qooyey dhuuntee,

(10) Nacabkii ku dhaansado,


Habeen-kiinadhuuntee,

(11) Dhuumaalaysi aqaladda,


(12) Kolba meel dhukusayee,

(13) Dhibta uu tolkii qabo,


(14) Ceeshka dhaaf-sanaayee, (15) Misna dhaar ku marayee,

(16) Nabad aan dhul-kaba jirin,


(17) Dhicisawday waa hore,

(18) Dhux-dhux beena dhurayee, (19) Gudi dhaarsan baan nahay,


(20) Waxan jirin ku dholalaw,

(21) Way dhaaftay wakhtigaa,


(22) Dul-qaad naga dhamaayo,

(23)Hadda dhabaqday xaajee,


(24) Waa keena dheeliya,

(25) Dhaaxaad kibraysee,


[26) Dhulka joog bal diidaye,

(27) Durba sidda dhalaankii,


(28) Qaylo dhaantu waa maxay?

(29) Waxad soo dhadhabaysaa,


(30) Baaruud dhacay-siyo,

(31) Qoraa noo dhexeeyee,


(32) Dharaqaanka iga daa,

(33) Waxba dhawrsan maayee, (34) Cirku muu bal soo dhaco,


(35) Dhulka laysku dumiyoo,

(36) Dhamaan-teed aduun-yadda,


(37) Dhanka bal laga rogo,

(38) Ninkay dhay ka qubatiyo,

(39) Kii geelu ugu dhallo.


(40) Waa inoo dharaar dhaw,

(41) Dhafoor taabad weeyee,

(42) Dhimashaan ka door biday,


(43) Nolosha-ba Dhamaan-taad.

(44) Dayal hayga moodine,


(45) Waa inoo ayaan dhaw,

(46) Dhenged jeer goortan kula dhacay,


(47) Ayuun baad dhabtii garan,

(48) Dhan-dhankeedda nabadiyo,


(49) Dhabahii Wanaagiyo,

(50) Dhibtuu xumuhu leeyahay.


* N.B Hunguri Dhaatay Baan Ahay


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...