"Gud. Saleebaan Xeerkii Horana Roobkuu Udhigay, Hadana Golihii Ayuu Fasaxay"
Hargaysa (HWN)
Xildhibaan Siciid Cudhay oo kamid ah Golaha deegaanka degmada Hargaysa ayaa ka
hadlay Fasaxa Gudoomiye Saleebaan geliyay Golaha Guurtida, xili la filayay
dhawaan in golaha wakiiladu usoo gudbiyaan xeerka doorashada.
Xildhibaan Cudhay ayaa
sheegay in Saleebaan xeerkii hore ee doorashada uu roob udhigay xeekan dambana
inta aanu soo gaadhin uu golihii fasaxay.
"Saleebaan Muslim
xeerkii hore roobkuu u dhigay kan maanta ku soo socdana golihii wuu kala
dareeriyay.xubnihii golaha ka midka ahaana ee ka dalbaday in ay shaqeeyaana wuu
diiday xaajigu jecelaa ila meeraysada!.." ayuu yidhi Xildhibaan Siciid
Cudhey
Dadka dhaliila gudoomiye
Saleebaan ayaa sheegaya in aanu Gudoomiyuhu doonayn in laxaliyo khilaafka
doorashada dalkana ay doorasho ka dhacdo.