Muse: Ciilow Ba'ay Talo Xumaan, Cudur Ka Weyneyne

0
Saturday September 16, 2023 - 10:19:54 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muse: Ciilow Ba'ay Talo Xumaan, Cudur Ka Weyneyne

    Haddaba dhibka ugu badan ee Muse Bixi haysta...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba dhibka ugu badan ee Muse Bixi haysta...


Qaadashada go’aanka istiraatajiga ah xilligeeda waa astaanta kowaad ee hogaamiyaha aragtida dheer. Nasiib darro madaxweynaha aynu talada u dhiibanay isaga oo ku yar yihiin dhamaan astaamaha hoggamiyaha wanaagsani ayaa ta ugu darani ay tahay goaan qaadasho la’aanta.Xilligii ololihii doorashada waxyaalaha dadkii u ololaynaayay Muse Bixi ay ku doodayeen waxa ka mid ahaa inuu yahay nin reer hawd ah oo front jooga, askari adag ah, halgaamaa muddo dheer ahaa oo inaga saari kara duruufaha adag ee inagu geedaanaa xilligaa iyo kuwo soo socdayba. Horaa loo yidhi waxmatari talo ha u dhiibane, talo xumaantii waa ta keentay inuu rag aan weligood lib lagala tegin uu maanta goobataal dhigo. Wallee waa dhab fiqi tolkii kama janno tago.



 

 

Madaxweynayaashii dalkan soo maray ma jirin mid aanay ka hor iman duruufo u baahnaa in lagu wajaho goaano adagi. AUN Madaxweyne Cigaal goaanada adag ee uu qaatay oon la tirin karin waa kuwa salka u dhigay dalwadnimadii iyadoo shaqaynaysa oo horuusocota Muse lagu wareejiyey. Qorista iyo aftidii dastuurka, hubka dhigistii mujaahidiintii iyo abuuritaankii ciidan qaran, samaynta lacag gaara ayaa ahaa kuwa ugu adkaa. Madxweyne Dahir Riyaale, ilaahay cimriga ha u dheereeyo, maalintii, 7-12-2002 maleeshiyaadka taabacsan Puntland ku weerareen Laascaanood isgoon soo gaadhin Hargeysa ayuu qaatay goaan geesi oo ahaa in dhammaan haydihii dalwiga ahaa ee ka hawl gelaayay Laascanood albaabadad la isugu dhufto shaqalahuna ay deg deg uga soo baxaaan. Goaankkaasi wuxuu ahaa mid iyadoon dhiig ku daadan midho dhalay isla xilligii Riyaale markii 2007 ay Laascaanood dib ugu soo noqotay Somaliland. Madaxweyne Riyaale waxa kaloo lagu xusuustaaa goaankii uu ka qaatay qabsoomiddii doorashadii ugu horreysay ee dalkan laga hirgeliyo taasoo indhaha caalamka soo jiidatay.


 

 

Madaxweyne Siilaanyo, ilaahay cimriga ha u dheereeyo, maalintuu ku dhawaaqay in ciidamada derejo loo sameeyo dad badan ayaa u qaatay in tani khilaaf khatar ah keeni doonto, wuuse noqday goaan lagu diirsaday. Markii la dilay taliyihii saldhigga booliska ee Berbera, Silaanyo wuxuu ku amray taliyihii booliska AUN General Cabdilaahi Fadal Iiman inuu ragii dilka geystay 24 saacadood gudahood lagu keeno. Muddo intaa ka yar ayay ku qaadatay Janaral Fadal inuu buurta kaga soo saaro dabelydii dilka geysatay kuwaas oo markiiba sharciga la mariyey. Maalintii ay toban ka mid ah wasiiradii ugu tunka weynaa wasiiradiisu is casileen iyagoo is tusay inaan laga maarmi karin toodana ay noqon doonto, Silaanyo wuxuu qaatay goaan adag oo in badan siyaasadda Somaliland xusi doonto, ka dib markii uu amray in dhamaan xafiisyadii wasiirada is casilay la xidho wasiiradana loo ogaaldo inay soo galaan maalinta ay xilka wareejinayaan oo keli. Goaankaasi wuxuu waxba kama jiraan ka dhigay filashadii wasiiradiii is casilay oo aan warkooda dib loo maqal.


 

 

Haddaba dhibka ugu badan ee Muse Bixi haystaa waa go’aan qaadasho la’aan iyo tayo xumo dhinaca maamulka oo dhaawac weyn u gesytay haykalkii dawladnimo ee mudada dheer lagu soo dhisayey habka qori-isu-dhiibka taasoo madxweyne waliba sii adkaynayey waxna kusii ku sii kordhinaayey. Heshiiskii Khaatumo ee AUN Cali Khaliif gadhwadeenka ka ahaa Muse goaan uu ka qaatay ilaa hadda lama hayo. taasoo ka dhigan mana diidin mana yeelin.Maalintii ay ciidamdii beesha bariga Sanaag u goosteen dhinaca Puntland waxa la filaayey inuu madaxweynuhu go’aan siyaasi ah la yimaado oo siyaasiyiinta degaanka dhaqdhaqaajiyo si ciidanka tabashadiisa loo xaliyo. Taasi markay dhici weyday, waatuu Janaral Taani saxaafadda isa soo taagay isagoo leh ha iska taageen weliba qaar kalena ha ka daba tageen. Waa yaab.


 

 

Markii kacdoonku ka bilaabmay Laascaanood Janaral Taani wuxuu saxaafada isla soo taagay in ciidanka qaranku u ogolaaday garaadadu inay Laascaanood yimaadaan ciidanka qarankuna ayilaalinaayey, taasoo been cad oo la wada arkayo ahayd, madaxweynuhu waxba kama odhan. Muddo markuu dagaalku ka socday Laascaanood ee mdaxweynuhu go’aan la iman waayey, Janaral Taani wuxuu sheegay in la goaansaday in ciidanka la fasaxo oo la joojiyo xarrago dagaalankii si loo sugo ammaanka magaalada, taasi ma dhicin xaaladuna halkeedii ayay taaganayd.


 

 

Ka kaalay waxaasoo dhan, maalintii la sheegay in dablay hubaysani gashay buurta Gacan Libaax waxa la filaayey inuu madaxweynuhu taliyaha booliska amro in dableyda la soo qabto, taana madaxweynuhu goaan kama qaadan. Waa tii gaadhay inay dablaydu gaadmo ku dilaan sagaal ka mid ah ciidankii Somaliland ugu tababarka fiicnaa ee RRUda oo u ku jiray sarkaal dibedda lagu soo tababaray, maalinaa waxa dadkoo dhami filayeen inuu madaxweynuhu maanta go’aan arrintaa ka qaadanayo. Wallay ka tahay ma dhicin. Taasi waxay dhaawac ku noqotay dawladnimadii waxayna abuurtay daleel (vacuum) dhinaca amniga iyo dawladnimada ah. Waxa daleelshaasi isku dayey inay buuxiyaan madax dhaqameed iskood isu xilqaamay.


 

 

Mashaqadii ka dhacady Laascaanood 25kii August, waxa aabbo iyo hooyo u ahaa goaan jilicansanaanta Muse Bixi oo qaatay talo aanu in badan rogrogin oo weliba saraakisha sare ee ciidanku uga digeen cawaaqib xumadeedaa. Ta u damabaysay waxay dhacday saddex maalmood ka hor ka dib markii dablay ka timi dhinaca Buuhoodle oo ku xidhan kooxda Gacanlibaax ay gaadhi dawladdu leedahay ka afduubeen degmada Dhoqoshay. Kooxdan waxa hoggaaminayey ninkii ciidankii qaranka ee Goojacadde fadhiyey ka goostay maaalinrtii la bilaabay xidhxidhista hubkiii waaweynaa una gudbiyey sirihii ciidanka huwanta. Meesha gaadhiga laga afduubay waxa joogay ciidan boolis ah, gaadhigana waxa lala sii maray dhowr tuulo oo mid walba uu joogo boolis ilaa laga geeyey burta Gacan Libaax, ciidankaasi far ma dhaqaajin. Si daleeshaa kale ee soo baxday loo daboolo, madax dhaqameed kale oo is xilqaamay ayaa ku guulaystay inay gaadhigii dib u soo celiyaan. Musena far ma dhaqaajin.


 

 

Intii ka damabaysay mashaqadii 25kii August waxa loo wada dhego taagayey goaanka madaxweynuhu qaadanayo, laba toddobaad ka dib weli sidiibaa loo sugayaa. Iska daa goaan masiiriyee, waxa uu dhexgalay dhul boob cusub oo mid ka mid ahi galaaftay wasiirkii ciyaaraha iyadoo dhulkii kheyriyadana ay saraakiishii dawladda hoose iyo dadweyne wada socdaa u kaceen. Goaan qaadasho la’aanta dhaawaca weyn ku keenay dawladnimada iyo nabadgelyada dalka iyo haykalkii dawladnimo waxa ka daran ta qarsoon ee ah tayo xumada xukuumadiisa. Golahiisa wasiirada in badan oo ka mid ah dadku ma yaqaanan.


 

 

Waxasoo dhami waxay dhacayaan iyagoo hadhaagii kacaanku ku taamayaan inay ka aarsadaan burburintii dawladii Siyad Barre. Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee dawladdii Farmaajo, Mr. Cawad, isagoo waraeysi siinaya dhowaan channelka Ha Noolaato maba qarsan sidii u jecel yahay inay Hargeysa noqoto ghost town, magaalo laga hayaamey.


 

 

Inkastoo la filayey in Muse caadifad qabiil ku dhici karto markuu xilka qabto haddana lama fileen in talo xumo intaa leeg ay jirin karto. Dhaawaca iyo sharaf dhac ku dhacay ummadii qabka lahayd waa laga soo kaban insha Allah. Dadkii waa dadkii.


 

 

 

 

 

Fahmi Abdillahi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...