Baraaruga Oo U Kaca,Dhulkiinood Beerataan,Bariisiyo Baasto Naca,Haddaanu Idiin Baxaynin.

0
Saturday September 16, 2023 - 09:54:26 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baraaruga Oo U Kaca,Dhulkiinood Beerataan,Bariisiyo Baasto Naca,Haddaanu Idiin Baxaynin.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Baahidu Waa Bilaayo,Bakhtigaaba Marar Kuu Xalaala,

 

Boqolaal Da’yara La Waayay,Badaha Imisa Muquurtay,



 

Shabaabka Imisa Ku Biiray,Bam Iyo Qarax Ay Dilaanon,

 

Beydku Ku Dhashiyo Bahdiis,La Beegsaday Hooyadiiso,


 

Buuraha Nimanka Dulfuulay,Belaayay Ka Hor Tageeno,

 

Wax Badan Bayno Biniixaye,Bustaynu Ku Hoos Jirnayo,


 

Barafka Kaga Dhuumanaa,Bacadka Kululaha Xagaaga,

 

Berkedaad Ku Dabaalatan,Beylahba Miyaad Ogtiinood,


 

Busaarada Taal Dalkena,Baryada Dadku Kuma Dherge,

 

Dhulkiinan Beerta Oo U Kaca,Waxba Lala Soo Baxaaye,


 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...