Tirada Dhimashada Ee Daadadka Liibiya Oo Dhaafay 6,000 Qof
Daadadka xooggan ee ku
dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo
qof oo kalena la la'yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.
Dadka la la'yahay ayaa
loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama
ay ku jiraan qashinka iyo ciidda hoostooda, sida ay sheegeen masuuliyiinta
Liibiya.
Hay'adda socdaalka
dunida ee IOM ayaa sheegtay in fatahaadaha ka dhashay daadadku inay si xun ugu
dhufteen dhinaca bari ee dalkaas, iyaga oo barakiciyey in ka badan 30,000 oo
qof.
Hay'adda IOM ayaa
intaas raacisay in inta ugu badan ee dadkan barakacay ay ku noolaayeen
magaalada Derna oo ay daadadku khasaare xooggan u geysteen. Halka kumanaan kun
oo qof oo kalena ay ka barakaceen magaalooyin ay ku jirto Benghazi.
Laba biyo xidheen oo u
dhowaa magaalada Derna ayaa fatahay, taasoo uga sii dartay xaaladda.
Illaa haatan xog sugan
lagama heli karo khasaaraha ka dhashay daadadkan, maadaama ay xukuumado iska
soo horjeedaa ay ku loolamayaan awoodda dalkaas. Masuuliyiinta qaarkood ayaa
aamintan in tirada dhimashadu ay laba jibaarmi karto.
BBC.