Maxay Tahay Waxa Iran Ay Siinayso Ronaldo Ee Aanay Shacabkeeda U Oggolayn?

0
Friday September 15, 2023 - 08:31:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1341
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Waxa Iran Ay Siinayso Ronaldo Ee Aanay Shacabkeeda U Oggolayn?

    "ay doonayaan inay sumcaddeena xumeeyaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"ay doonayaan inay sumcaddeena xumeeyaan"



 

Iran ayaa doonaysa in ay Cristiano Ronaldo iyo ciyaartoyda kale ee kubbada cagta ee ajaanibka ah ee dhawaan u safri doona Tehran ay siiso SIM Card gaar ah oo u ogolaanaya in ay internetka ku isticmaalaan xayiraad la’aan – taas oo muwaadiniinta Iran aan loo oggolayn – waxayna ka cadhaysiisay qaar ka mid ah dadka reer Iran.

 

Reza Darvish, madaxweynaha kooxda Persepolis FC - kooxda kubada cagta ee wajihi doonta Ronaldo's Al Nassr kulan ka tirsan AFC Champions League todobaadka soo socda ee Tehran, ayaa u sheegay telefishinka qaranka Talaadadii in dadka qaar "ay doonayaan inay sumcaddeena xumeeyaan" oo ku dhiirriyaan ciyaartoyda kubada cagta in aysan noo imaanin.

 

Waxa ugu weyn ee ay ku sababaynayaan ayaa ah 'Iraan kama heli doontaan Internet,' ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

"Waxaan la hadlay maamulaha shirkadda Irancell, oo aan u sheegay inaan dooneyno inaan siinno ciyaartoyda iyo shaqaalaha kaadh taleefan oo gaar ah kaas oo lagu magacaabo Irancell, kaas oo ah SIM-kaadh internetkiisu aanu xadidneyn si ay u isticmaalaan laga bilaabo marka ay soo galaan Iran illaa waqtiga ay ka baxayaan." Ayuu yiri Reza.

 

Xayiraadaha ayaa kaliya si weyn loo xoojiyay ka dib badhtamihii September snadkii 2022, markii dhimashadii Mahsa Amini ee xabsiga booliska ay dhalisay mudaaharaadyo dalka oo dhan ka socday muddo bilo ah.

 

Waqtigaas, mas'uuliyiinta dalkaas ayaa ku dooday sababta xannibaaddan keentay in ay aaladaha iyo bogagga ay leeyihiin ajnabigu aan la ilaalin karin kolka gudaha la joogo, isla mar ahaantaana ay khatar ku yihiin amniga qarankaas, waxaana ay quwadaha shisheeye ku eedeeyeen inay taageerayaan "rabshado" laga qabto guud ahaan Iran.

 

Goortii warkaas ay shaaciyeen ayaa ahayd markii WhatsApp iyo Instagram, labadii goobood ee ugu dambeeyay ee aanay faafreebi jirin ee Iran, sidoo kale iyagana la xidhay.

 

Tobanaan milyan oo Iraniyiin ah ayaa si joogto ah u isticmaala shabakadaha gaarka loo leeyahay ee loo yaqaan (VPNs) kuwaas oo qarinaya meesha isticmaaluhu uu joogo, si ay uga gudbaan xannibaadaha maxalliga ah, laakiin mas'uuliyiinta ayaa si weyn u adkeeyay qalabkan, tan iyo sannadkii hore.

 

Dhanka kale dawladda ayaa ku adkaysanaysay tan iyo sannadkii hore, in xannibaadda ay saareen ay ka qaadi doonaan keliya haddii shirkadaha ajnabiga ah ee waaweyn oggolanaayaan inay xafiisyo ka furtaan Iran oo ay ku yeeshaan wakiillo joogto ah oo ka jawaabi doona weydiimaha qaranka marka loo baahdo.

 

Ma jirto shirkad aqbashay dalabkan ilaa hadda.

 

BBC


Loading...
Loading...