Tunka Ka Leefa Dhiigiyo Ilmadda Idinka Tiixaysa ( Abdi-Shotaly).

0
Thursday September 14, 2023 - 21:09:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Tunka Ka Leefa Dhiigiyo Ilmadda Idinka Tiixaysa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Cid Ma Kaa Celin Cigaalaw Col Hortii Jabay-du?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Cid Ma Kaa Celin Cigaalaw Col Hortii Jabay-du?



Maqaal-kani wuxu jawaab waafiya u yahay kuna socota, nin beryahan dambe aad war-baahinta u dhex rooraayey, kaas oo yidhi, waxan tagnay xafiis-yadda Dawaladda ee dalka UK oo ku yaal Magaalo Madax-diisa, kuwaas oo uu afka ku dhuftay , Wasaaradda Arimaha Debedda ( Ministry of foreign Affairs), Xafiiska Qaabilsan Caawimooyinka Caalamiga ah iyo Barwaaqa Sooranka Ee UK ( The British Overseas & Commonwealth Office), Xarunta Xaquuqal Insaanka Iyo Ilaalinta badbaadinta Caalimiga Ah Ee Aadamaha ( Amnesty International And Human Rights Watch Dog) Nin-kaas waxan ahay JIBRIIL ABOKOR, oo magaciisa ku sheegay Osman Mohamed Warsame yidhi-na Rag kale baa igu weheliya. Hadaba waxan nin-kan iyo koox-diisa Leeyahay, haw fadhiyin kulan ina dhex mara, wax S/Land la yidhaahaa ma jirtee, ee wax iska celiya, ma intaas baad ku sugnay-deen? Saw idinkii libaax-yadda sheegan jirey? Yaa idin baraq jebiyey? Ma Mujaahid Ali Biixi iyo Abdi-Shotaly oo qudha? Baa qalin-kooddii xaar idinkaga sii daayey? saw idinkii xoogga ku faanaayey xaguu maray? Sidda aad ku sheeg-teen qoraala-kiina, waxad doonay-seen in aad Xukuumadda UK aad ka dhaadhici-saan in Maamulka Askarta "Xaafad-Tooyadda" Ee ku jira Guriggii Moorgan, ay ku soo duuleen, wax aad ugu yeedhaan Argagixiso, Huwan, Daarood, iyo wax aad ku carabaab-teen " Cadawga Gudaha, idinka oo u jeedda beesha " Garxajis". Cal Dhuux baa isaga oo ku dhega hadlaaya Ina Cabadalle Xasan, baa waxa laga hayaa " Waa lagu digtaa ruux haduu kuu daraan jiraye, bal dayaay Askariggii waa sii dabay-shadaye (IHN) " Aad ayaan ugu faraxnay Oohinta aad ka dhex qubay-saan War-baahinta iyo baroorta ay adkaysan la' yihiin taageera-yaadha Heego.



Cali jaamac Haabiil wuxu yidhi ( IHN) " Tunka ka leefa dhiigiyo ilmadda, idinka tiixaysa, hadaba toogo baxa, waa janadda talalax- deediiye" ku abshira sidaas waa taad diideen wanaage.Waxa la yaab leh, nin-kaas iyo koox-diisu waxay nagu eedayna-yaan aniga oo Abdi-Shotaly ah Iyo Mujaahid Ali Biixi, maxaad u kashif-teen? Maamulka ku kacay wixii dhegaha faraha laga geliyey, la dhegaysan kari waayey, ee ilaa Golaha Amniga iyo Hay'yaddaXaquual-Insaanku ay soo bandhigeen, oo ay weliba ku soo indho cad yihiin. Uma jeedaan Wax ku hagaajiya ee waa u jeedo beelaysan, iyo xoolo ku raadsi, waxase aanu kuu sheegaynaa haddii aanu nahay Mujaahid Ali Biixi Iyo aniga in aanan marna-ba dib isaga taagi doonin, in aan fashilino qudhunka ay walaaqayaan Maaumulka " Labadda Askari, Bakhti Dhego-Weyn, Kooraysane Iyo Saleebaan Yuhuudi" Ee ku biyo caba, oo xejista kaadh-kiina waa inoo dagaal ilaa aanu maamulka askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Aanu ka takhalusayno'e. Waxan idin leeyahay idinka iyo kuwaa aad ugu adeegay'saan beenta, xumaanta, sinaan la'aanta, beel la colawga, sharci darradda, tuuga-nimadda hantidda ummadda, dhul boobka maatadda laga qaadaayo baloodha-dooddii, waanu sheegaynaa, cid na af-waaji kartaana ma jirto, qaar aad la kulmi kartaana ma aanu nihin, ee ha nagu soo lugo-ina, naxariis iyo meel aan ka wadda hali karnaa inama dhex taale. Qori baaban isu qaadanaye,baryo xumaanta la fadhiista, wax isaaq la yidhaahaana ma jirto, ee yaad ku beer-laxawsan? Ma marka aad ii baahantay baan reer sheekh isaxaaq ah? Marka kalena cadawga Gudaha? Doc isugu baydha, marka hore baa wax lala hadhaaye. Xaal-kiinu waa " Cigaalaw Col Hortii Jabay Cid Ma Kaa Celin?


Akhristaw, sidda qoraal-koodda ku cad, waxa is yeelan waayey beentii ay u socdeen in ay faafiyaan, waxa-na ay kala kulmeen wax aanay filayn, iyadda oo la taabsiiyey xaqiiq-ddii, yidhi-na waxa la noo daaray Videoyo qeexaaya:-


(a) Anshax xumiddii lagula kacay Dhulbahante, xasuuqii aan loo Aabo-deyin, burbuurkii loo geystay Magaaladda, iyo duqayntii dhakhtaradda, xarumihii biyaha, laydhka iyo Wixii la mid ahaa


(b) Video-yaddii ku saabsanaa wixii ka dhacay Mudaaharaadaddii Hargeysa, Burco, Ceerigaabo ee 10 shicibka ah lagu laayey.


(c) Rasaastii lala dhacay Siyaasiintii iyo Xildhi-baanaddii Mucaaridka, Sidda Muniir, Barkhad, food.

(d) Cirro oo Baabuur La dul marin gaadhay, Ninkii Xiniin-yaha laga Saaray, Inantii uu Khadar laangadhe " Naaska Feedh-Jilibka kala dhacaayey, Hablihii 23ka ahaa ee askarigu uu ku xidhay xaafadiisa Gebiley.


Waa waxa af laga sheego ka weyn, in dadkii banaan-baxa salmiga ahaa samay-naayey, cidi-na aanay is-weydiin, lama soo hadal qaadin, faataxo looma akhriyin, mag lagama bixin, intaas oo iska daba dhacday, oo aanay laba Cali ka wadda hadlin, baa iyaba waa cajaa'ibe, bal in ay beel doon-doon tahay, uu maamulka Askariga " Xaafad-Tooyadu" kuwii uu u soo direy in Jabhadda Gacan Libaax soo laayaan, ee uu ku sheegi jirey waxa la yidhaahaa RRU, Iyakii dhiigoodda la wadhay, baa maskax xumidiina leedihiin soo bixiya mag-toodda, xagee laga dheelaa ciyaartaa? Waxan ku soo xidhay qoraalkan isaga ah " Wax iska celiya waa tii la idiin taag waayeye" Oo joojiya baroorta aad Hargeiysa ka dhex ooyey-saan waa taas oo abadda ahe.


* N.B Cid Ma Kaa Celin Cigaalaw Col Hortii Jabay-du?

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...