Laftii xasuusta dheer i galisay!

0
Thursday September 14, 2023 - 11:47:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laftii xasuusta dheer i galisay!

    Arigii dhib badan ma soo gaarin laakiin orgi yar bey dacawo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arigii dhib badan ma soo gaarin laakiin orgi yar bey dacawo



Qiyaastii 1998 baa maalin jimca ah annagoo kuray ah oo ulihii dugsiga soo guranney imaannay garab aan ku dabbaalan jirnay. Garabka waa mool. Waxaa kaliya gali karo ciddii dabaal fiican taqaan. Sidoo kale garabka waxaa iman jirey kurayo kaloo ari-jir ah. Naago caanooleey ah baa sidaa kale ku soo leexda si ay xoogaa ugu yar nastaan geedaha hooska qabow ee togga gabiyadiisa ku teedsan.



Kurayda ari-jirta ahiwaxaa u baxay ciyaarta iyo dabaasha. Iyagoo ogeyn baa arigii togga hawdkiisi si tartiib u ugu foofay. Odey togga korkiisa beer ku lahaa oo qaylinayo baa hal mar garabki aan ku dabbaalaneynay soo istaagay. Odeygu wuu qaylinayaa. Indhaha ayuu galka ka soo bixiyey. Ul buu sitaa dheer. Macawista wey u xaydan tahay. Wuxuu xoog leh ku qayliyey isagoo gacmaha kor u sayrayo "waryaa arigaan dawacadu cuntay Yaa leh oo la joogay?” labadii wiil nala dabbaalaysay baa isfiiriyeen iyagoo sasan. Si halhaleel bey gabi u dhawaa intey qabsadeen biyihi garabka dhaqso uga baxeen iyagoo qaaqaawan oo macawisihii gacanta ku sita bey dhankii hawdka ee ariga ka jiray u carareen iyaga iyo odeygii.


Odeygii baa cannaan la sii dabagalay labadii wiil. Cabbaar ka dib odeygii baa wiilashi iyo arigii la soo noqday. Wuxuu waydiiyey ina ayahooda. Wuu garanayey ariga reerka iska leh iyo summadda ariga ku taal laakiin wiilasha aabahood ayuu weydiiyey.


Arigii dhib badan ma soo gaarin laakiin orgi yar bey dacawo ka cuntay qaybta dambe. Odeygii ayaa orgigii gowracay ka dibna siiyey niman ceel u godayey.


Nimankii odeyga ceelka u qodayey baa aad ugu farxay orgiga dhaylaha ah ee maanta Ilaahay ku israaqay, halka wiilashii walaalaha ahaa ariga la joogay ay aad uga murugsanaayeeb dawacada qumayada ee ariga gashay. Waa maalintii aan bartay in nolosha mararka qaar khasaarahaagu uu dadkale faa’iido u yahay. Tusaale ahaan, maqaayad haddii ay cunnada kugu baarto waa khasaarahaaga laakiin maskiin bogga iyo beerka isku dhagan yahay baa ku faraxayo oo wadnaha ku ceshanayo cunnadaas.


Haddaba nimankii ceelka qodayey orgigii dawacada daawacay wey ku cibaadeysteen ka dib way kala saareen. Maqaarkii iyo qolooshii waxaa ku yaacay quntullaahi iyo haadka kale oo keeb-la-yuurur ahaa sidii askartii Goojacadde. Hilibkii qaarna waa la dubay kuwana cayriinki baa lagu habeeyey.


Anagoo gaajo xun nagu dhagan baan soo ag marnay raqdii taallay ceelki ay qodayeen agtiisa. Hilibkii qaar baa mislaaday oo dhagax ballaaran dulsaaran. Nin ka mid ah raggii ceelka qodayey oo toorri dheer af badan sita sarar iyo feer marba mid ku jarayaa. Kor ayuu noo soo eegay anigoo is leh armuu sidii ninkii odeyga ahaa inoo cannaantaa ama nagu eedeeyaa dayaca ariga dawacadu neefka ka dishay.


"Waryaada kaalaya hilibkaan wax cuna” buu nagu nagu yiri. Annagoo qajileyno baan laf dheer oo feera ah oo isku dhagan ii soo taagay. Waligey laf ka macaan oo ka qurux badan ma cunin. Laftaa feertaha si fiican bey u camirneyd. Baruurta iyo jiirku wuu isku habeystaa. Kaaga darane, sida dhaqsaha ah ee uu u dubay baan la yaabay. Laftaasi labaatan iyo dhowr sana ka dib asbuuci la soo dhaafay mar aan booqasho ku tagay gobolka Minnesota maqaayad ay carab leedahay oo Minneapolis ku taallo nin saaxiibkey igu casuubey bey laftaasi isoo xasuusisay. Mahadsanid Xuseen Aw-Jaamac.


W/Q Xadiis Aadan Cabdille.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...