Dayaca dumarka Soomaliyeed

0
Thursday September 14, 2023 - 11:32:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dayaca dumarka Soomaliyeed

    hakhsiyad ninkeeda adeecda oo xaqiisa garanaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hakhsiyad ninkeeda adeecda oo xaqiisa garanaysa.



Dhawrsanno ka hor markii lasoo hadal qaado erayga "Dumar" waxaa la malaysan jiray:

-Shaqsiyad xishood badan oo markay dadka la hadlayso hoos fiirisa sarriig dartiis.


-Shakhsiyad ixtiraam badan oo qofka mas'uul ka ah(Waalidka ama qofka kale oo ka weyn) meeshii uu farta ugu fiiqo toos u abaarta.



-Shakhsiyad ninkeeda adeecda oo xaqiisa garanaysa.

-Shakhsiyad astaanteedu ahayd xishood iyo asturnaan.


-Shakhsiyad bahaynkii ay shan sanno xidho hawsha guriga kala wareegta waalidkeena iyo dadka ka waaweyn.

-Marka qof haweeney ah la sheego waxaa la malaysan jiray qof dhaqankeeda iyo diinteeda ku adag.


-Waxaa la malaysan jiray shakhsiyad baylihinta (dayaca) reerkeedu ceeb ku yahay.

- waxaa la malaysan jiray qof ka dhawrsata in loogu geedho magaca "Baali" oo wixii dulli iyo wasakh ah ka iska ilaalisa.


- shakhsiyad ku raja weyn inay mar uun hooyo noqoto.


- waxaa la malaysan jiray shakhsiyad aan waxba u arkin waxyaabaha hareeraheeda qoys ahaaneed ka dhacaya sida: in ayada la canaanto,ay aragto waalidkeena oo isku dhacsan iyo in waalidkeedu nin ku daraanba.


- waxaa la malaysan jiray shakhsiyad astaan kasta oo wanaagsan leh.

Balse nasiib darro sannadahaan way adag tahay in markii qof dumar ah lasoo hadal qaalo lagu maleeyo calaamadahaas kor ku xusan iyo kuwa aanan xusin oo qodobka u danbeeya uu kulminayo.


Sannadahaan hadda la joogo kuwa soo aaddan ma garanayo sida xaalku noqon doono'e,markii qof dumar ah lasoo hadal qaado waxaa la malaysanayaa:


-Shakhsi meel kasta ragga kaga horaysa oo xad celiya aan lahayn.

-Shakhsiyad xishoodkii laga barxay oo hadaladeena iyo fikiladeeda uu ninku ka ash'asho.

- Shakhsiyad ixtiraamkii laga masaxay oo qof kasta indhaha faraha ka galinaysa!.


- Shakhsiyad aan basarka guriga lasoo barin oo xaqqa ninku ku leeyahay aanba garanayn.

- waxaa la malaysanayaa shakhsiyad astaanteedu tahay seeto dheerayn iyo xishood la'aan.


- waxaa la malaysanayaa shakhsiyad Telefoon ku foorarta ama asxaab la qoslaysa hooyadeedna ay hawsha guriga ku faaro jabtay.


- qof ragga labo tillaabo dheer oo suuqa dhex wareegaysa iyadoo ciddiyo dheer.

- Dumarkii hore waxaa bedelay shakhsiyaad ka tanaasulay dhaqankii,xishoodkii iyo asturnaantii.


- waxaa bedelay shakhsiyaad aan ku taamin inay hooyo noqdaan oo ku fekeraya inay suuqa iska dhiciyaan.

-waxaa bedelay shakhsiyaad luuq kasta kaaga horeeya fidnadiina korkooda ku xambaarsan.

- waxaa bedelay kuwa dhaqamadii shisheeye ay saameeyeen oo aan la garanayn waxay yihiin iyo meel ay u socdaanba.

Dayac kasta oo maanta dumarka ka muuqda waxaan ku eedaynayaa iyaga laftoodu inay isku keeneen oo aanu jirin nin dumarka ku dhiiriya inay ka tanaasulaan dhaqankooda iyo xishoodkooda sharafta ku dhisan,waxaana daliil u ah in aanu jirin nin rag oo xaas ka dhiganaya shakhsi dumar ah oo jiritaankeedii gabadhnimo iska dayacday.


Dhanka kale isbedelka gabdhaha soomaaliyeed ku dhacay waxaan ku sababaynayaa dhaqamadii shisheeye oo si biyo la'aan ah ay u liqeen iyo isku dayasho dhexdooda ah,oo waxaan aragnaa markii hal gabadh ay la timaado dhaqan qalafsan inay kaga daydaan gabdho kale oo tiro beel ah.


Runtii adiga gabadh ahaantaada waad ogtahay dhinaca kuu roon inaad noloshaada u jihaysid waadna kala garanaysaa wixii xun iyo wixii san.


Walaashay Waxaan ku odhan lahaa ogow ma jiro nin guursanaya gabadh aan akhlaaq,xishood iyo dhaqan wanaagsan toona lahayn,marka waxaa kugu boorinayaa inaad iska dhawrto wax kasta oo noloshada gabadhnimo dhaawac u gaysan karaya,aadna iska baandhayso wax kasta oo lagu tilmaamo ilbaxnimo gaar ahaan kuwa sanadahaan danbe soo kordhaya ee lagu tilmaamo (fashion) fidnada ugu badan ee sannadaan jirta waxay ka timaadaa dhanka labiska iyo dhar xidhoshada. Sidoo kale ku dadaal inaad dhawrto jiritaankaaga gabadhnimo dhawrsanaantuna gaashaan hakuu noqoto.


BARAARUJIN: Qormadaan maahan mid aan ku ceebaynayo hablaha soomaaliyeed waan ogahay gabdho badan oo wanaagsan,sharaf iyo qiimo leh inay qoraalkaan akhrinayaan balse waxay iga ahayd in aan lagu milmin dhaqamada qaar hableheena ka mid ah ay lasoo shir tageen sannadahaan.


W/Q Ahmed Qasaali

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...