Tafwareemadkii Muuse Iyo Taladii Jeegaanta,Tunka Ka Leefa Waataad Kulmiye Nagu Tolayseene.

0
Thursday September 14, 2023 - 10:32:51 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1066
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tafwareemadkii Muuse Iyo Taladii Jeegaanta,Tunka Ka Leefa Waataad Kulmiye Nagu Tolayseene.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]



Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

1-Taliska Ciidankeenaan Lahayn,Taliye Jaangooya,

 

Tafaraaruqu Shacabku Galay,Taabay Armigana,



 

Taabku Ka Buuxsaday Tagood,Toogtay Kumanan,

 

Tuhunkeeni Beenow Haddaad,Taag Isbidayseene,


 

Tafwareemadkii Muuse Iyo,Taladii Jeegaan Dheh.

 

 

2-Tunka Ka Leefa Waata Nimacadi,Aydin Taliseene,


 

Taaniyo Saleebaan Intasi,Waaw Tahniyad Gaar Ah,

 

Tawaawaca Tolaayeey Kacaay,Tamar Xumantiina,


 

Tafwareemadkii Muuse Iyo,Taladii Jeegaan Dheh.

 

 

3-Tookh Badane Aan Tolan Aqoon,Talona Yeelayn,


 

Tashiishan Waayey Tiisu Laha,Tororog Faankooda,

 

Taliskanaan Shaqaynaynine,Tegisna Doonaynin,


 

Tafwareemadkii Muuse Iyo,Taladii Jeegaan Dheh.

 

 

4-Tamandhada Islaama Gadiyo,Timir Hadhudhley,


 

Tobanaanka Sano Tacabkeniba,Gelin Ku Tuurteen,

 

Taliskii Siyaad Wuxu Ka Tegay,Tacab Khasaarayse,


 

Tafwareemadkii Muuse Iyo,Taladii Jeegaan Dheh.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...