Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Inay Hubiso In Dad Muwaadiniin Ahi Ku Jiraan Shilka Diyaarada Ethiopian Airline.

0
Sunday March 10, 2019 - 17:14:06 in News by
  • Visits: 2407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqay Inay Hubiso In Dad Muwaadiniin Ahi Ku Jiraan Shilka Diyaarada Ethiopian Airline.

    Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukuumada somaliland ugu baaqay inay hubiso in dad reer somaliland ahi ay ku jiraan shilka diyaaradeed ee ay gashay diyaaradii Boeing 737

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukuumada somaliland ugu baaqay inay hubiso in dad reer somaliland ahi ay ku jiraan shilka diyaaradeed ee ay gashay diyaaradii Boeing 737

 

Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa xukuumada somaliland ugu baaqay inay hubiso in dad reer somaliland ahi ay ku jiraan shilka diyaaradeed ee ay gashay diyaaradii Boeing 737 ee laga lahaa dalka Itoobiya.


Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo warsaxaafadeed ka soo saaray shilka diyaaradeed ayaa dhambaal tacsi ah gaadhsiisay shacabka iyo dawlada Itoobiya.

Sidoo kale xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa warsaxaafadeedkiisa kaga dalbaday xukuumada somaliland inay raadiso xogta hadii ay jiraan dad u dhashay wadanka oo ku geeriyooday shilkaas diyaaradeed.

Xisbiga Waddani ayaa warsaxaafadeedkiisa ku yidhi "Waxa uu xisbiga Waddani ugu baaqayaa xukuumada somaliland inay soo hubiso dad muwaadiniin somaliland ahi inay ku jiraan iyo in kale shilka diyaaradeed ee saaka dhacay.”

Wali waxa ka socda wadanka Itoobiya gurmadka loogu jiro diyaarada burburtay oo la sheegay inay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa.


Loading...
Loading...