DEG DEG Guddida is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Maxkamadda Sare iyo Guddida Diiwaan-gelinta Ururada

0
Thursday September 14, 2023 - 09:30:23 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 520
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Guddida is Waafajinta Doorashooyinka oo la Kulmay Maxkamadda Sare iyo Guddida Diiwaan-gelinta Ururada

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha



Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiilada Somaliland oo sii wada kulmadoodii shaqo ayaa goobo kala duwan ku yeeshay Fadhiyadoodii 12-aad iyo 13-aad.


 

Guddida ayaa Fadhigii 12-aad oo ay ku yeesheen xarunta golaha la kulmay Guddida Diwaan gelinta Ururrada iyo ansixinta asxaabta qaranka.



 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee  Somaliland oo la kulmay guddida is waafajinta xeerarka doorashooyinka ee Golaha Wakiillada.


 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda  Somaliland Mudane Aadam Xaaji Cali Axmed oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare Maxamed Cumar Geele iyo Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa shalay la kulmay guddida gaarka ah ee is waafajinta xeerarka doorashooyinka ee Golaha Wakiillada, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddidaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxaanay ujeedada kulanku daarnayd is xogwaraysi iyo talo bixin la xidhiidha xeerarka doorashooyinka ee xeer lr 91/2020 iyo xeer lr 14/2011.


 

Fadhiyadani oo shir gudoominayay Guddoomiyaha guddidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax kana soo qayb galeen Xubnaha gudidaasi ayey guddidu kulamadaasi ku urursadeen talooyin kala duwan.

Loading...
Loading...