Qaar Ka Mid Ah Siyaalaha Ay Faqashta Cusubi Intii Ay Somaliland Haysatay

0
Wednesday September 13, 2023 - 14:21:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Ka Mid Ah Siyaalaha Ay Faqashta Cusubi Intii Ay Somaliland Haysatay

    W/Q: Ibraahin-Hawd Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ibraahin-Hawd Yuusuf



Qaar ka mid ah siyaalaha ay Faqashta Cusubi intii ay Soomaalilaand haysatay xoolaha umadda u dhacday, bulshada u ka la sarraysiisay, una abuurtay dabaqado qaar bakhtiyeen ama dalka ka qaxeen qaarna hodmeen?



1. U gu horrayn maaliyadda dalku ku ma shaqayso qorshe dhaqaale oo madaxbannaan oo dhab ah, miisaaniyadda la dajiyaana u ma baxdo sida marka hore loo soo qoro, ee labada jeerba wax ay ku shaqaysaa doonista iyo awaamirta Muuse Biixi iyo niman gacanyarayaal u ga ah, isaga ayaana gacantiisa ku qaybiya oo ku maamula.


2. Mashaariicda horumarinta dalka degaannada loo ma simo ee aad baa loo gu ka la eexdaa, dadka mashaariicdaa fuliyana la ga la ma xisaabtamo hawshooda ee marka horeba waa musuqmaasuq la ga naasnuujiyo.


3. Shaqooyinka dawladda loo ma bixiyo si daahfuran oo loo siman yahay ee waxaa la siiyaa dad eex iyo reernimo loo xushay, run ahaantiina waxaa jira reero uu maamulkani si qorshaysan u beegsaday oo intii uu dalka haystay shaqooyinka iyo xilalkaba ka xarrimay.


4. Waxaa jira dad iyaga oo aan shaqayn wasaaradaha ku qoran oo qaata mushahr jiif oo jaq ah, qaarkoodna dhawr meelood bay ka qaataan is ku mar. Qodobkan iyo kii ka horreyayna wax ay qayb weyn ka yihii ka la fogaanta dakhliga iyo nolosha qoysaska, ee dhallinyaro badan oo waxbratay dalka ka barakicisay.


5. Waxaa jira ciidammo badan oo aan jirin oo wasaaradda gaashaandhigga u qoran kuwaas oo miisaaniyadda ku jira, mushahar iyo gunnooyin been ahna madaxdu ku qaadato.


6. Awoodda dawladda waxaa la gu xidhaa shirkado shaqaynaya, dabadeed beddelkooda la furaa kuwo la mid ah oo is la awooddii dawladda  la ga ga shaqaysto, dad aad u badan baana awood dawladeed oo ay lee yihiin u adeegsada dano ganacsi.


7. Waxyaalaha dawladdu soo iibsanayso iyo qandaraasyada ay bixinayso daahfurnaan iyo tartan caddaalad ah la ma mariyo ee shakhsiyaad loo gu talagalay baa qiimiga ay doonaan la gu siiyaa, tayadana la ga la ma xisaabtamo.


8. Lacago amaaho iyo maalgelin la gu sheegay ayaa siyaalo aan sharci ahayn ee naasnuujin iyo musuq ah ah Bangiga Qaranku dad gaar ah siiyaa.


9. Deeqaha dunidu Soomaalilaand siiso dadweynaha ayaa la ga sii iibiyaa, sida dawooyinka, miisaaniyaddana la gu ma daro ee waa la qaataa.


10. Waxaa lacago aan sharci ahayn la siiyaa odayo dhaqameedyo la gu shaqaysto kuwaas oo bulshada la gu ka la furfuro, iyo sidoo kale dad baraha bulshada iyo warbaahinta ka caaya qabiilooyin, xisbiyada iyo shakhsiyaad gaar ah.


11. Waxaa jira lacago ay quwado shisheeye ujeeddooyin iyo dano ka la duwan Faqashta Cusub u siiyaan, kuwo qarsoon iyo kuwo la og yahayba, lacagahaasina marnaba ma galaan xisaabaha dawladda.


12. Waxaa iyaduna aad u xooggan in aan fursadaha waxbarashada, siiba kuwa debedda, aan marnaba bulshada iyo degaannada loo simin oo eexasho aad iyo aad u foolxumi jirto.


Waxan joogtoobay ee la wada og yahay, ee la qaayibay, sheegistooda imika u ga ma dan lihin in aynnu sidan wax ka ga beddeli karaynno, ama cid la xisaabtantaa soo baxayso, keliya se waa in ay taariikhda gashaa si mustaqbalka loo gu cibro iyo waaya'aragnimo qaato.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...