Magacyada Masuuliyiinta Uu Muuse Biixi Isku Badelka Ku Sameeyay

0
Wednesday September 13, 2023 - 13:44:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada Masuuliyiinta Uu Muuse Biixi Isku Badelka Ku Sameeyay

    "Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada"



 

Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto aan la shaacin oo cidda ay khusayso oo qudha loo dhiibay waxa uu xilalkii kaga qaaday Wasiirkii Ciyaaraha Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Biyaha,isagoo sidoo kale isku-beddel ku sameeyey qaar ka mid ah Wasiir-ku-xigeennadiisa.

 

Xogaha uu Telefiishanka SAAB TV helay ayaa sheegaya in:

1.Cabdiraxmaan Xirsi Dhooble loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.

 

2. Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud iyo Guriyeyta Md. Maxamuud Warsame Jaamac waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Somaliland

 

3.Wasiir-ku-xigeenkii Wasaaradda Beeraha Marwo Yurub Abiib waxa loo beddelay inay noqoto Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada

 

4.Maxamed Maydhane Ibraahim waxa loo magacaabay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka  Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland

 

4.Wasiir-ku-xigeenka Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada Cabdinajiib Ibraahim Muumin waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta.

 

5.Wasiir-ku-xigeenkii Xanaanada Xoolaha Maxamuud Jaamac Warfaa Wedka waxa loo beddelay inuu noqdo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.


Loading...
Loading...