Dhaliilaha dul hoganaya wasaarada x.xoolaha Somaliland

0
Monday July 01, 2019 - 12:20:50 in Articles by
  • Visits: 2290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaliilaha dul hoganaya wasaarada x.xoolaha Somaliland

    Dhaliilaha dul hoganaya wasaarada x.xoolaha Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaliilaha dul hoganaya wasaarada x.xoolaha Somaliland


Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada X.xoolaha iyo horumarinta kaluumaysiga Dr Axmed haybe Warsame. waa masuulka fadhiidka ka dhigay wasaarada marka la fiiriyo dayaca uu gaadhsiiyay shaqadii uu qaranka u hayay oo baylah noqotay.


Dhab ahaan wuxuu ku fashilmay inuu si hufan u kala hago waaxda ugu balaadhan wasaarada ahna meesha ay shaqada wasaaradu ka dhaqaaqdo.





Wuxuu awood buuxda u yeelan waayay inuu ka shaqaysiiyo dhakhaatiirta wasaarada ee dul hoganaya maqaaxiyaha ku dhow xarunta.


Waxa uu ka dhigay wasaarada tan iyo maalintii uu qabsaday waaxdaas mid ku xidhan deeqaha ay bixiyaan haayadaha caalamiga ahi gaar ahaan FAO, World Vission, Bisha cas iyo Save-children.


Iyadoo budgetka ugu jira miisaaniyada qaranka ee daaweynta xoolaha iyo talaalkooda uu ku dhaco jeebadaha madaxda wasaarada isagoo 3 bilood kasta kusoo saara inay baxeen kooxo daaweyn ah oo dalka oo dhan ka hawlgalay balse ay xaqiiqadu tahay mid aan jirin oo lagula baxo lacagta miisaaniyada dawladu ugu talo gashay.


Waxa kale oo aan u cadeynayaa bulshada Somaliland iyo madaxweynaha qarankaba inaaan lacagta miisaaniyada ugu jirta soo iibinta dawada xoolaha inaan laga soo iibinin, inta yaree dawo ahaan la isticmaalana waxa keenta Haayada FAO.


Ahmed haybe iyo dhamaan agaasime waaxeedada iyo xisaabiyaha awooda badan ee musuqa la saaxiibka ahi waxay Focal points u yihiin haayadaha caalamiga ah ee wada shaqaynta la leh wasaaradan isagoo masuulka ugu yari uu 2 haayadood kaga mushahar qaato xidhiidhinta wasaarada iyagoo dhalinyaradii ay derbiyada fadhiyaan una diri waayeen shaqadii qaranku kulahaa iyagoo madaxdu tashiilaya lacagta ku baxaysa hawlaha qaranka si lacagtu jeebkooda ugu dhacdo.


Waxaana cadeyn kuugu filan inaanay jirin meel ay gudida Qandaraasyada dawladu ay ku bixisay qandaraas dawo iyo talaal loogu soo iibinayo wasaaradan hagaastay.


Agaasime axmed haybe Waxa kale oo uu fadhiisiyay dhamaan shaqadii ka dhex socotay wasaarada sida.


1. Shaybaadhka oo aan wax shaqo ah loo dirinba shaqaalaha, markay soo diyaariyaan qorshe shaqana liiska magacyadooda lagula baxo lacagta khasnada dawlada ugu jirta waxse shaqo ah aan lagu qabanin loona dirin shaqaalaha


2. Qaybta caafimaadka. Ma jirto kooxo dhakhaatiir caafimaad ah oo wasaaradu khasnada ka deberto lacagta ku baxaysa marka laga tago in 6dii bilood 10 cisho shaqo ah loo diro kooxo aad u kooban gobolkiiba 2 team oo toban cisho soo shaqeeya.


3. Qaybta daawada iyo talaalka oo aanay jirinba qorshe ay wasaaradu leedahay oo lagu maamulo iyo sifo lagu keenaba.


Waxa kale oo aan bulshada la wadaagayaa inuu Agaasimaha wasaaradu aanu lahayn aqoon iyo khibrad uu ku guto shaqada uu qaranka uga masuulka yahay, ma jirto la xisaabtan rasmi ah oo uu Agaasime waaxeedada kula yeesho.


Waxaan usoo jeedinayaa Hanti dhowrka qaranka iyo madaxweynahaba inay indho gaara kusoo eegaan wasaaradan ka hadhay hal-hayskii kulmiye ee ahaa HORAA LOO SOCONAYAA.


La soco qaybaha kale…….

Farax Cabdilaahi Yoonis

[email protected]

W/Q hablaha xaqooqdii laduudsiyay


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...