Paul Pogba Oo Si Ku Meel Gaar Ah Looga Joojiyay Cayaaraha.
Ciyaaryahanka Khadka
dhexe ugu dheela kooxda Juventus, Paul Pogba, ayaa si ku meel gaar ah looga
joojiyay cayaaraha kadib markii baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday inuu
sareeyo hoormoonkiisa testosterone oo caadi ahana ku badan ragga.
Ururka xakameynta
dawooyinka ee Talyaaniga ayaa sheegay, in Pogba la baaray kadib guul daradii
3-0 ay Juventus kala kulantay Udinese 20-ki bishi August.
Sodon sano jirkan u
ciyaara xulka Fransiiska ayaa si kadis ah baaritaankan loogu sameeyay cayaarta
kadib.
Hadii lagu helo ama ay
ku cadaato inuu adeegsaday dawadaas, waxaa cayaaraha laga mamnuuci doonaa muddo
u dhaxeysa 2 ilaa afar sano.
Wakiilka Pogba, Rafaela
Pimenta, waxaa uu sheegay inuu sugi doono baaritaan labaad oo la sameeyo oo
go’aankiisa uusan ka hor dhici doonin baaritaanka
BBC