Marooko Oo Diidday Caawimaadda Dalal Kamida Yurub
Ururada Laanqayrta Cas
iyo Bisha Cas ayaa bilaabay codsi degdeg ah oo lagu taageerayo dhibanayaasha
dhulgariirkii Jimcihii ka dhacay Morocco.
Agaasimaha howlgallada
(Caroline Holt) ayaa sheegtay in xiriirku uu doonayo in uu u ururiyo lacag ka
badan boqol iyo toban milyan oo doolar si loo helo baahiyaha ugu daran sida
biyaha, nadaafadda iyo hoyga.
Ugu yaraan laba kun iyo
sideed boqol oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka, oo inta badan saameeyay
tuulooyinka fogfog ee buuraha Atlas.
Maamulka Morocco ayaa
cadaadis lagu saarayaa inay u ogolaadaan dalal badan inay caawiyaan.
Gargaarka degdega ah
waxa keliya oo laga aqbalay afar waddan oo kala ah Britain, Spain, Qatar iyo
Imaaraadka Carabta.
Caawimada kuwa kale oo
ay ku jiraan Faransiiska iyo Jarmalka waa la diiday.
Bill Mato oo ka tirsan
hay'adda samafalka Khalsa Aid ayaa ku sugan mid ka mid ah tuulooyinka fogfog.
Waxa uu sheegay in
xaaladdu ay tahay mid quus ah, isla markaana gargaarka dowladdu uusan si degdeg
ah ku imaan tuuladan.