Hiirtaanyada Xasuustu,Lama Hoydo Libinte,Waxa Aadan Hurahayn,Hora Loo Dhameeya,

0
Tuesday September 12, 2023 - 14:31:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hiirtaanyada Xasuustu,Lama Hoydo Libinte,Waxa Aadan Hurahayn,Hora Loo Dhameeya,

    Halista Iyo Dhibaataduna,Halkeeday Ahanun,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halista Iyo Dhibaataduna,Halkeeday Ahanun,

 


Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim {A.S.C.W.R.W.B}

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Hanjabad Digagiyo,Hadalwu Dhamaado,

 

Haatan Kala Hagaagto,Layskuma Habsamayo,



 

Halista Iyo Dhibaataduna,Halkeeday Ahanun,

 

Haddiyan La Helin Nabad,Horumarban Jirayno,


 

Hanti Baan La Dhaqanayn,Intaad Haystaa Lumi,

 

Hurdadaan La Ledahayn,Habeenkiyo Dharaarti,


 

Hagardaamada Badan,Heerka Maanta Joogtan,

 

Hoosba Looga Sii Socon,Hiirtaanyada Xasuustan,


 

Hanan Karin Wanaago,Hibashadu La Nool Yahay,

 

Hawlahan Idiin Yaalaa,Hubsiimay Rabaan Culus,


 

Haadin Iyo Hufniinaan,Haladaadin Lagu Darinon,

 

Hore Taaad U Eedeen,Hagrashaba Ka Dhawrtaan,


 

Horaa Loo Dhameeyaa,Waxa Aanad Hurahaynin,

 

Hoosiis Hadh Noqon Waayo,Hinbiriisi Arag Maha,


 

Hoobali Bilaashdiyo,Hunuhuniye Hadal Ma Ahae,

 

Hayin Lagu Kalsoonyo,Heeryada La Buubaynin,


 

Haamaha La Saariyo,Hanan Karaaya Ubadkoon,

 

Habsaaminaynin Geediga,Hubiseen Ma Haynaa,


 

Hawo Beena Laga Socoy,HeerbaWaxa La Maraya,

 

Hadalkaba Adoon Odhan,Uurkaaga Laga Helayon,


 

Heegadaas La Tegay Sare,Hunbanidenu Moogtay.


 

Ismail Abdilahi Handuleh

 

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...