Dawlada Somaliya Oo Saxeexday Heshiis Mamnuucaya Samaysashada Hubka Nukliyeerka

0
Tuesday September 12, 2023 - 11:17:18 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Somaliya Oo Saxeexday Heshiis Mamnuucaya Samaysashada Hubka Nukliyeerka

    "Heshiiska Waxaa 8-dii Bishan Saxiixay Abubakar Daahir Cusmaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Heshiiska Waxaa 8-dii Bishan Saxiixay Abubakar Daahir Cusmaan"


 

Dawladda  Soomaaliya ayaa saxeexday  heshiiska ka mamnuucaya  in ay samayso Tijaabo la xidhiidha Hubka Nukliyeerka (Nuclear Test) ee halista keeni karta, waxaana ay noqotay dawladii 187-aad ee  saxeexda Heshiiskaas Caalamiga ah ee ka horjoogsanaya Mustaqbalka in ay faraha la gasho tijaabinta halista ah ee la xidhiidha hubka Nukliyeer ah oo gaar ahaan tijaabooyinka ka mamnuuca ka ah dunida ee lagu sameeyo Badaha, hawada iyo Buuraha.

 

Soomaaliya ayaa 8-dii Sebtembar ku saxeexday xaflad lagu mamnuucayo hubka Nukliyeerka, taasoo tirada saxiixayaasha ka dhigeysa 187.

 

Heshiiska Waxaa 8-dii Bishan Saxiixay  Abubakar Daahir Cusmaan oo ah ergeyga joogtada ah ee dawladda Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay

 

Tallaabadan ayaa timi ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse uu ballanqaaday in dalkiisu saxiixayo heshiiska, isagoo ku sugan shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Vienna 19 June 2023.


Loading...
Loading...