Somaliland Oo Beenisay In Dadka Reer Laascanood Lagu Dhibaateeyo Boorama
Boorama (HWN) Guddoomiyaha
gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi, ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee
nabad-geliyadda gobolkaasi iyo warar maalmahan la isla dhex marayay.
Wararkaasi oo la
xidhiidhay in magaaladda Boorama lagu dhibaateeyay dad dhalasho ahaan ka soo
jeedda goboladda Sool, iyo Sanaag, iyo sidoo kale arday waxbarasho u degan
Boorama.
Waxaanu sheegay
badhasaabku in aanay waxba ka jirin wararkaasi lagu sheegayay in la
dhibaateeyay dadkaasi deganaashiyaha, iyo waxbarashada u jooga Boorama ee ka
soo jeedda Sool, iyo Sanaag, iyo Soomaaliya inteedda kaleba.
Waxaanu yidhi "U
jeedadda iyo nuxurka shirkaygan jaraa’id waxay tahay nabadda gobolkan Awdal,
gobolkuna waa nabad. Wax dhib ah oo ka jirta gobolkan Awdal na ma jirto.
Nabad-geliyadu waa shay qaali ah, gobolkan Awdal, iyo Somaliland oo dhan ba cid
kastoo joogtaa nabad ayay ku haysataa.
Nabad-geliyadu waa
shayga ugu muhiimsan ee bini’aadamku ku noolaado. Nabada ayaa wax lagu bartaa,
nabadda ayaa lagu cibaadaystaa, nabadda ayaa horumarka lagu gaadhaa. Nuxurka
aan u qabanay shirkan jaraa’idna waa taa.
Hadalada na soo
gaadhaya ee la xidhiidha dadka aan Somaliland u dhalan, iyo dadka kale ee
Somaliland u dhashay ee goboladda kale ka yimid, ee waxbarashada iyo
deganaanshiyaha u soo doontay gobolkan Awdal, ee la sheegayo in la
dhibaataynayo, waxba kama jiraan”.
"Ka xukuumad ahaan, iyo
ka gobol ahaanba waxaanu faraynaa cid kastoo dhibaato u gaysata dadka martida
ah ee ka yimid Soomaaliya inteedda kale, iyo dadka kale ee ka yimid goboladda
Somaliland gaar ahaana Sool, iyo Sanaag, in aanu sharciga marin doono haddii ay
dhibaato u gaystaan dadka jaamacadaha dhiganaya, iyo dadka nabadda u soo
doontay, dhibaataysa ee ka soo jeedda gobolkan Awdal, in ay sharciga mari
doonaan.”