Asc Subeer Awal.
Marka hore waxan salaamaya reerku siduu u dhan yahay meel uu joogaba. Aniga oo ah Osman Mohamed warsame, oo aad I garanaysaan in aan ahay, Subeer Awal, Jibriil Abokor. Waxa intaa ii raaca oo aan doonayaa in aan u sheego kuwo weli isku maaweelinaaya wixii ina dhigay halkaa ee aan ku jabnay, oo igu leh maxaad noo kashiftay.
Waxan hadaba idin leeyahay waar wixii socon waayey aynu kolba dhinac u rogaynay ee ahaa Garxajis waa Somali weyn, waa cadawga gudaha, jeegaantii inakaa burburinay, ogaan aynu ku wadda soconay, ee aynu lahayn Subeer Awal Supper Power, wax aynaan ahayn is moodnay, Muse biixina kibirka ka sii qaaday iyo maanta xoog baanu leenahay,dhaqaalihii anakaa haysana iyo ciidan, meel walba madax ka ah ama ku xigeena ah, arimahaasi waa kuwa halkaa inay dhigay, ee runta aan isu sheegno.
Muuse biixi inaka baa ummadda ku sii daynay, oo halkaa iyo isla weynidaas ku abuurnay, uu cid walba diiday, haddii ay yihiin sheekh iyo shariif, Culumo, Madax Dhaqmeed, ganacsato, Siyaasiyiin iyo cid kastaba.
Taasi waxay dhashay in aan Dagaalkii si xun ugu jabno, hubkii ugu badnaa ee ugu cuslaa iyo ciidankiiba noqday wax la dilo, maxaabiis loo haysto, dhaawac iyo intii ka hadhay oo beello u kala jabay oo aan is bixinayn, waxaas oo dhan ina baa ka masuul ah, ee dadka kale yaan lagu raad gadan, waa farsamadda xumidda Muuse biixiye.
Wixii aynu inaku dhignay yeynaan beelaha kale ku ceebayn, jabhadda dalka meel walba ka dilaacay waxa abuuray inaga, markii aynu diidnay in aan ninkan qabano, waynu qaban karaynay, ee waan kula soconay run marka la sheego.
Garxajis la colaw oo kursiga ka ilaali halkay inala martay, imika wuxu la hadli la yahay, waxa weeye wixii uu falay baa uu nabsiggii helay.
Waan ognahay oo ma xanuunsanaayo, ee waa ku jiq, wax uu ku hadlaa ma jirto, waayo si walba wuu u jabay, wax uu samayn karona ma jirto, doorashaddii uu diiday baa sanka lagaga tolay, ee saw runi uma xaal waramin, oo maanta qoomamayn mayno wixii aan ku sacab tumaynay.
Garxajis kursi lagama ilaalin karo hadal isagaa iska badane ee ku biyo caba.
Warbuxintan Waxa Soo Diyaariyey,
Osman Mohamed Warsame,
Subeer Awal.
Jibriil Abokor.
London.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!