Maleeshiyaad Somali Ah Oo 12 Qof Ku Dilay Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya.
Faahfaahin ayaa ka soo
baxaysa dagaal shalay ka dhacay meel u dhow degmada Shilaabo ee gobolka
Qorraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaa uu dagaal uu
ku dhexmaray ciidamada deegaanka iyo meleeshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen
dhanka gobolka Galgaduud ee Soomaaliya.
Mas’uulka u qaabilsan
nabadgalyada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in meleeshiyaadkaas oo
watay hub culus ay deegaanka ku dileen ilaa 12 qof.
Dayib Axmed Nuur ayaa
sheegay in ay jiran dad siyaabo kale u adeegsanaya hubka dowladda Soomaaliya
ugu tala gashay la dagaallanka al-shabaab kuna dhibaateynaya dadka deegaanka.
Wuxuu sheegay in
dilalka iyo dagaallada ka dhaca xadka ay wadaagaan Galmudug oo Soomaaliya ah
iyo dowlad deegaanka ay soo noqnoqdeen dhankoodana ay qaadayaan tillaabooyin
amniga lagu sugayo.
BBC