Boqor Buurmadaw Oo Ka Hadlay Gaadhi Jabhada Garxajis Afduubtay.
Hargaysa (HWN) Boqor
Buurmadaw ayaa ka hadlay gaadhi ay shalay jabhada Garxajis ka afduubtay
deegaanka Dhoqoshay, gaadhigaasi oo ay lahayd wasaarada biyaha Somaliland.
"Dhacdada yar ee
kadhacday dhoqoshay sidaan kawar hayo Meeshii ufiicnayd bay maraysaa runtii
khalad bay ahayd dhalinyaradu ficilka ay ku kaceen hase yeeshee intaan ogahay beeshii tolka
ahayd talo maseegin hawshiina sifiican bay wax uga qabteen maantase anaga inyar
bay taladu nagabariiqatay waxaana haboonayd arinta in lagu koobo dhalinyaro
khaldantay waxaan se Meesha kujirin ergo culus oo habarjeclo ah Oo garnaqsi
utegay riyo xidho iyo hadalo taagtaagan oo lays dhaafsaday.
Habarjeclo dawlad
maaha mana aha Inay kashaqayso hawshii bilaysku qaban
lahaa waxaan ku faanaynay maanta beelaha
habarjeclo waxay dhexda u xidheen siday
qaranka ubadbaadin lahaayeen cidwaliba waxaysoo dhowaysay.
Cimaamadii iyo
go.aamadii habarjeclo Rageenii qaranka kalacelinaayey Ma waxaynu ku duulay oo
qoryaha uguranay gaadhi labaatan kun jooga oo dawladu leedahay waar bal beri
hore Ayaa cimaamada laynaga qaaday cadho yar oo reebtay habarjecloy muuse
waakaa.
Gaadhi hadalkiisa halkaa aynu ku dayno Tegistii riya xidhona
aynu raali gelin ka bixino tolkan
balaadhan ee inamada buurta galay kadhasheena waxaan odhanlahaa kaftan ahaan
ilmaadeerayaal Kursigii idiin xukunay waanuna idinsaaraynaa hadii alle idmo waxaad katalisaan kursiga inaanu idinsaaro Idinkoo xaragoonaya oo sharfan amase Idinkoo faraha dhiigkuleh oo
faydan.
Midna hasugina Muuse
inaynu ka kicino kursiga dhaqaalena
kaqaadno Wixii adkaada anaga nagulasoo ciira Xagayaga diyaarbaanu idiin nahaye Intaasi
kaftan iyo run kamatagana midna.” Ayuu yidhi Boqor Buurmadaw
Inkasta oo markii dambe
ay Jabhadu raaligelin ka bixisay afduubka gaadhigaasi, hadana waxa gaadhigan ka
dhashay inay Beesha Habarjeclo ku hanjabtay in ay la dagaalamayso jabhada
Garxajis maadaama ay jabhadu deegaan Habarjeclo ay gaadhiga ka afduubtay, balse
markii dambe sheekada waxa soo galay odayaal xaliyay khilaafka ka dhashay
afduubka gaadhigaasi.