Taariikhdii Daraawiishta Sidee Loo Dhigay?

0
Sunday September 10, 2023 - 11:16:17 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhdii Daraawiishta Sidee Loo Dhigay?

    Arrimahaasi waxay i xusuusiyaan odhaahda caanka ah ee ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrimahaasi waxay i xusuusiyaan odhaahda caanka ah ee ah


Bani’aadanku maanta wuxuu haystaa dhaxal weyn oo ilbaxnimo iyo taariikho waaweyn leh. Dhaxalkaa waxa suurta-geliyey muddada badan ee uu dunida ku soo noolaa iyo sooyaalkiisa cajiibka ah ee samaan iyo xumaan labadaba leh.


Waxyaalo kala duwan oo nolosha bani’aadanka saameeya ayaa jira, waxaana isbeddelada ugu waaweyn taariikhda iyo dhaqanka dadka ku sameeya dagaallada. Marka qodobkan laga hadlayo waxa kutubta taariikhda qaarkood lagu xusaa dagaalladii dhacay muddo hadda laga joogo in ku dhow 4,000 oo sano ilaa laga soo gaadhayo waqtiyadan dambe. Waxa ka mid ah, tusaale ahaan, kuwii ilbaxnimooyinkii hore sida tii Masar ay galeen 2,000 oo sano ka hor iyo kii sida weyn la isku bahaystay ee 2003dii Ciraaq lagu qaaday.



Arrimahaasi waxay i xusuusiyaan odhaahda caanka ah ee ah, "Taariikhda waxa qora dadka guulaysta.” Murtidaa waxa soo hoos geli karta cid kasta oo ummad ama dal xoog ku qabsata, dabadeedna muddo dheer xoog ku maamusha. Marka ay kuwaa guulaystay taariikhda qorayaan kuwa laga guulaystay iyadii oo hadal ah ayay si ay quusi ku jirto isugu sheegsheegaan. Had iyo jeerna wixii la qoro uun baa hadha oo waayada dambe la akhristaa!


Taariikhdu marka si loo eego wax fudud ma aha, waayo waa wax ay inta badan ummaduhu isku maandhaafaan. Tusaale ahaan, loollankii muddo dheer xaqa iyo baaddilka ka dhex jiray, ama addoonsigii arxandarrada ahaa ee dadka madow soo maray, ama falal badan oo ay qaarkood aad halis u ahaayeen oo dhacay waqtiyadii ay dagaalladii reer Yurub dhex maray socdeen maanta isku si looma sheego, ama qaarkood in la soo hadal qaado inta badan lama jeclaysto. Waxa arrimahaa la mid ah sida Taariikhda Adduunka maanta ardayda loo baro iyo qolo waliba halka ay iska taagto.


 

Sababtu dhacdooyinka ma aha, ee waa sida loo weriyo ama sida loo fasiro. Waxa ka buuxa falal halis ah iyo xaalado qallafsan oo nolosha dad badan oo waayo hore noolaa taabtay. Haddii aanay dhacdooyinkaa maanta waxba ka noolayn arrimuhu sidaa uma sii adkaadeen, ee waa in ay qaarkood yihiin kuwo ilaa maanta nolosha bulshooyin badan saameeya.


Xagga Soomaalida haddii aynu qodob ka soo qaadanno, waxaynu xusuusan karnaa, tusaale ahaan, xukuumaddii Kacaanka loo yaqaannay ee taladii Soomaaliyadii hore haysay intii u dhexaysay 1969kii iyo 1991kii sidii ay Taariikhdii Daraawiishta u dhigtay. Sidaasi waxay ahayd si ummad dawlad qaran leh oo horumar doonaysa aan u qalman. Waxa laga yaabaa haddii ay waagaa taariikhdaa dad shisheeye ahi inoo qori lahaayeen in ay in badan dhaami lahayd sidii uu Kacaanku u dhigay. Xusuusnow, waxa bilowga qalloocdaa mar dambe ayuu mashkilad keenaa!


 

W.Q. Axmed Iid Aadan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...