Abwaan Siciid Gahayr Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Ciidanku Hargaysa Ugu Xidheen Abwaan Shacraawi

0
Friday September 08, 2023 - 08:41:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaan Siciid Gahayr Oo Ka Hadlay Qaabka Ay Ciidanku Hargaysa Ugu Xidheen Abwaan Shacraawi

    Qafaalashadii Caawa ee Shacraawi Maxamuud: Waxa Dheeraa Cabsigelin, Qoryo-cabbayn iyo Cadaawad!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qafaalashadii Caawa ee Shacraawi Maxamuud: Waxa Dheeraa Cabsigelin, Qoryo-cabbayn iyo Cadaawad!


 


Abbaaro 19:30 ayaa uu Cabdiqaadir Hanti ii sheegay in ay xaajiyaddii ciidanka iyo taliyihii saldhigga dhexe Gaashaanle Axmed Cabdi Daahir yimaaddeen Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxa aan joogay meel u dhaw xarunta. Waxa isagana u sheegay dad gudaha joogay, waana uu feejignaa.

 

Waxa aan wacay taleefannada dadkii hawsha waday sida Shacraawi Maxamuud iyo Xafsa Yuusuf, midkoodna iima dhicin. Sidaas awgeed ayaa aan daqiiqado ugu tegay goobtii. Waxa aan Taliyaha ku idhi "Maxaa jira caawa taliye? Meesha waxa lagu qabanayaa bandhig suugaaneed”. Waxa uu yidhi "Illaa galabta waxa ka jirtay xaflad kale, waanan joognay. Waxa ay ku taallaa dhulka aan xukumo, dhibaatana ma jirto. Idinku maxaa aad isku ogtihiin?”.

 

Waxa aan ku idhi "Shakshi ahaan waxba iskuma ogi, wixii la ii qabsadana waa aan ka dawbaxayaa, tani se waa cabsi gelin. Haddii aad u jeeddaan inaad cid qabataan miyaa aad gurigiisa, goobtiisa shaqo iwm ka qabataan?. Waxa uu yidhi "Waxa aannu wadnaa kormeer, dhibaatana ma jirto”. Waxa aannu aniga iyo gabadh xarunta ka tirsani u sheegnay in ciidanka sidan ah loo baahdo xilliga bandhigga buugaagta ee caalamiga ah, bal se ay tani tahay wax nagu cusub. Is-aqoonka naga dhexeeyay muddo aan ku xidhnaa saldhigga dhexe ayaa sababay in aan la hadli karo, waxa se iigu dambaysay 18kii Mey 2023 oo uu aniga, Barwaaqo Haldhaa iyo Bushaaro walaalkeed noo oggolaaday in aannu Bushaaro Baanday booqanno.

 

Askari la socday ayaa yidhi "Haddii cidi baqan lahayd adiga ayaa dareemi lahaa”. Waxa aan u sheegay in waxa aan ku hadlo iyo waxa aan qoraaba ay yihiin wax aan sharci ahaan iska difaaci karo. Mar ayaa uu Cabdiraxmaan Ummad ii yimi, waana uu dhaqaaqay. Taliye Dacawo ayaa yidhi "Mee kii kula hadlayay?”. Waxa aan ku idhi "Gudaha ayaa uu galay” aniga oo qof kale tilmaamaya, "U yeedh” baa uu yidhi. Isaguna markaas waxa uu aaday meel aan gudaha ahayn.

Waxa soo dhawaaday wakhtigii gelitaanka, waxaana la yidhi "Soo gala gudaha”. Aniga oo markaas uun gudaha galay oo ay gabadh ka tirsan xaruntu leedahay "Waxa wada hadlaya taliyaha xarunta, taliyahan saldhigga iyo madaxda xarunta” ayaa uu Shacraawi Maxamuud oo xidhan suudh caddaan ahi soo galay, waxa ku xigayba in ay gudaha soo galaan Taliye Dacawo iyo askar kale oo ay abwaanka iska laallaadiyaan. Waa aan qayliyay waxa aanan u dhaqaaqay xaggii Shacraawi.

 

Waxa gacanta igu dhegay, si aanan isu dhaqaajin oo hanjabaad lehna ii hayay Taliyaha, "Waa sidee, i sii daa” ayaa aan lahaa. Waxa uu lahaa "Siciidow joog”. Intii aannu is-haysannay ayaa Shacraawi loo saaray bannaanka, kaddib waxa la saaray gaadhiga, dad ayaa isku deyay inay ka reebaan se ciidanka ayaa xoog ku kala daadiyay. Weliba qoryaha ayaa loo cabbaysanayay shacabka. Karaankood waa ay dedaaleen. Markii uu Taliyihi i sii daayay ee aan albaabka istaagayna waa ay dhaqaaqday xaajiyaddi. Ma ay sidannin waraaq sharci ah oo ay ku qabtaan iyo wax ay xarunta ku soo galaan midnaba.

 

Iyada oo ay talo igu caddahay oo dadkii xoosan yahay ayaa uu meel iga soo halacsaday Shabbac Gaadeer, waxaana uu yidhi "Adiga ayaa ka dambeeyay”. Waxa ku xigtay in uu gacan ii qaado, oo nabarro na kala gaadhaan. Haddii uu in uun ragannimo leeyahay waxa uu difaaci lahaa qafaalashadii Shacraawi Maxamuud. Waxa se jira dad ambad ah oo inta ay ka soo leexdaan cidda gefka wadda, kaddib dusha ka saara cid kale.

 

Waxa la doonayay in Shacraawi Maxamuud loo qabtay qaab foolxun la banjariyo bandhigga suugaantiisa, lana duudsiyo xuquuqdiisa. Waxa laga heli karayay goob shaqo, guri iwm. Tan iyo May 2023ka oo uu Shacraawi joogay Hargeysa waxa aan ka mid ahaa dadka ugu dhaw.. Tiro ma laha inta jeer ee uu guriga igu soo booqday, aan u tegay ama meel kale isugu nimi. Waa xaq-u-dirir, hal-adag, hal-abuur iyo nin aan ku hanaq-jabin hanjabaad

 

Siciid Gahayr


Loading...
Loading...