Caleenta Koostada

0
Sunday June 30, 2019 - 21:21:58 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caleenta Koostada

    Caleenta loo yaqaan koostadu waxay leedahay faa'iidooyin badan oo caafimaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caleenta loo yaqaan koostadu waxay leedahay faa'iidooyin badan oo caafimaad

kuwaas oo iskugu jira ka hortag iyo kobcin



Caleenta koostadu waxay ku jira fiitamiino, macdano iyo maadooyin kale oo jidhka aadamaha u fiican sida fiitaminada A, B2, C, B6, E, K, sidoo kale waxa ku jira maadooyinka birta, magnesium, manganese, folate, calcium iyopotassium.


Hadaba si aynu u ogaano fiitamiinadan muhiimadooda qaar ka mida aynu soo qaadano waxay inoo qabtaan ama qaybaha ay caawiyaan


·Fiitamiin A waxay u fiicantahay indhaha


·Fiitamiin C waxay u fiicantahay caafimaadka maqaarka ama jidhka iyo difaaca


·Fiitamiin K waxay muhiim u tahay xinjirowga dhiiga


·Folic acid ama fiitamiin 9 waxa uu u wanaagsan yahay koritaanka unugyada iyo shaqadooda waxaana aad ugu sii baahan hooyooyinka uurka leh isagoo ka hor taga inta Alle qadaro hadii hooyo uur leh qaadato dhibaatooyinka caruurta qaar ku dhashaan sida xangulaha daloola ama fiixdu ku taalo iyo faruurta


·Birtu waxay kordhisaa dhiiga


·Calcium-tu waxay u fiican tahay caafimaadka lafaha sidoo kalena waxay caawisaa fariimaha jidhku u dirayo neerfaha wadnaha iyo muruqyada


·Kaempferol waa maado yaraysa halista cancerka


·Nitrates waa maado kobcisa caafimaadka wadnaha


·Quercetin waa maado joojisa infectionka iyo caabuqa


Fiitamiinadan iyo madooyinkani waxay qayb wayn ka qaataan caafimaad qabka aadamaha


Intaas oo kaliya kuma eeka faa’iidooyinka koostadu waxay ka hortagtaa xunaano ay ka mid yihiin cancerku daraasado dhawra oo meelo kala duwan laga sameeyay ayaa cadeeyay in caleenta koostada oo la cunaa ay yarayso khatarta cancerka, waxa kale oo ay dajisaa dhiigg-karka, waxay ka hortagtaa nabarada ku samysma caloosha, waxay ka hortagtaa xanuunada wadnaha ku dhaca.


Caleenta koostadu waxay u fiicantay oo u baahan qofkasta waxaynu u istimaali karnaa ka hortag, kor u qaadid iyo dawayn intaba


Fiiro gaara

Dadka ku leh xasaasiyada waxa haboon inay iska joojiyaan


Dadka kaliyo xanuunka leh waxa lagula taliyaa inay iska yareeyaan madooyinka potassium iyo phosphorus kuwaas oo ku jira caleenta koostada sidaa darteed waa in dadkaasi ay la tashadaan dhakhaatiirtooda


Dadka qaata dawooyinka dhiigga fur fura uma fiicna iyagana inay qaataan koosto badan maxa yeelay waxa ku jirta koostada maadada fiitamiin K oo dhiiga xinjiraysa


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...