Dulmigu Waa Mugdi Aduunka Iyo Aakhriba

0
Sunday June 30, 2019 - 20:54:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmigu Waa Mugdi Aduunka Iyo Aakhriba

    Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, waxay mahaddu u sugnaatay Allah (S.W.T),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, waxay mahaddu u sugnaatay Allah (S.W.T),


waxaana sidoo kale ku sallinaynaa suubanhihii Nabi Muxamed oo ahaa Raxmadii Caalamiinta. Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka oo ah Assaclaama calykum wa raxmatullah wa barakaatuhu. Maqaalkanina wuxuu ku saabsan yahay Dulmiga iyo qaybihiisa kala duwan sidoo kalen cidhib danbeedkiisa.

Waa maxay Dulmigu? Dulmigu macnihiisu waxa weeyey xadgudub iyo in wax la dhigo meel aan ku haboonayn, waana lidka kasoo horjeeda Cadaalada.

Dulmiguna waxa loo qaybiyaa sadex qaybood oo waaweyn, waxayna kala yihiin.

  • Inay dadku dulmiyaan wax u dhaxeeya ayaga iyo Rabigood, waana dulmiga ugu wayn oo ah gaalnimada iyo munaafiqnimada. Sidaas darteed ayuu Allah yidhi :  [Shirkigu waa dulmi wayn] [Luqman 13]. Sidoo kale isagoo Rabi fogaynaya dadka dulmigan la yimid ayuu yidhi:  [Lacnadi korkooda ha ahaato daalimiinta] 
  • Dulmiga labaadna waa ka u dhaxeeya dadka dhexdiisa, isagoo Rabi ka hadlaya dulmigaasna wuxuu dhahay:

 [Xumaan abaalkeeduna waa ku abaal marin mid lamid ah Ruuxiise iska cafiya oo wanaajiya ajrigiisa Rabibaa siin, Ilaahayna ma jecla daalimiinta.

 

                QOFKA CUNA XOOLLAHA DADWEYNAHA

nkastoo dhamaan sadexdaa qayboodba uu qofku naftiisa dulmiyey, hadana bal aynu  soo qaadano tusaalayaal kamida sida in ruuxu uu cuno xoolo dadweyne ama uu garaaco oo uu caayo dad tamar yar oo ah qaab gardarro ah. Waxa kale oo kamid ah dulmiyada waaweyn in la cuno xoolaha aagoonta ama inaad qof ku raajiso inaad u celiso xaqiisii adigoo awooda ama haweenayda oo loo diido maherkeedii, biilkeedii iyo hugii ay gashan lahayd ama ayadoo loo diido mushaharkii qofkii shaqaalaha ahaa qaadanayey ama in dhaxalka qaab xad gudub ah uu mid kamid ah kuwa wax dhaxlayaa kaligii u qaato ama uu isu siiyo waxaan sharcigu u ogolayn.

Guud ahaan dulmigaas waxay culumadu ku tiriyaan inuu yahay danbiyada waaweyn. Ilaahayn (S.W.T) wuxuu dadka ku halaaga markay dulmigan la yimaadaan, waxaanu dhahay Rabi isagaa xumaan ka nasahan oo ka dheeree. { } [Taasina waa magaalooyinkii aan halaagnay marka dulmi la yimaadeen waxaanan u yeelnay halaagoodii ballan.

Qofka daalimka ah ee Umada Ilaahay ku gardarrooda Ilaahay waa u kaadiya balse markuu Ilaahay qabto wuxuu u qabtaa si adag, waxa Rasuulkeenuyidhi :

Abumusua Al-ashcari waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu yidhi : Ilaahay wuu u kaadiyaa (sugaa) Daalimka, illamaayo uu qabto kamana fakado, markaasuu akhriyey (aayadan) : [Sidaas ayuu Rabigaa u qabtay markuu qabtay magaaladii ayadoo dulminaysa Qabashadiisuna waa mid aad udaran.

 

qoraalkan waxaan ugu  talla galaeu dhamaan madaxda dalka katlisa somaliland ineey wax ku qaataan, mid xafiis fadhiya iyo mid madaxweynaba.

 

Waxaa qorrey fuaad maxamed qawdhan,. arimaha bulshada london

facebook; fuaad qawdhan

[email protected]

0044738393135563

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...