Muuse Bixiyow Dagaal Oge Nabad Ma Doono

0
Wednesday September 06, 2023 - 10:47:34 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1699
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Muuse Bixiyow Dagaal Oge Nabad Ma Doono

    Muuse Bixi noloshiisa inteedii hore wuxuu ku noolaa miyiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Bixi noloshiisa inteedii hore wuxuu ku noolaa miyiga,



Muuse Bixi Cabdi wuxuu dhashay 1948, waa 75 jir, wuxuuna ku dhashay miyiga ku dhow Hargeysa; Dugsiga sare wuxuu dhammeeyey 1970, wuxuuna isla sanadkaas ku biiray ciidankii xoogga dalka, muddo yar dabadeedna waxuu tababar u aaday wadankii la oran jiray Midowga Sofiyeed (soviet union), ka dib muddo ayuu ka tirsanaa xoogga dalka, saldhigyada uu kasoo shaqeeyeyna waxay kala ahaayeen: Baydhabo, Bali-doogle iyo Muqdisho.



1981—1982 waxaa mar labaad barashada sida wax loo dilo loogu diray carriga Maraykanka, Dayton airbase ee gobolka Ohio, U.S.A. markii uu dhamaystay carbintii dagaalkana dib uguma laaban Somaliya iyo ciidankii uu ka tirsanaa, ee waxuu ku biiray jabhaddii SNM, wuxuuna ka dagey Addis-Ababa 1985.


Muuse Bixi noloshiisa inteedii hore wuxuu ku noolaa miyiga, wuxuuna ku garaadsaday (ku caqlisaday) ayadoo Geela la kala dhaco iyo dhiilo qabiil, markuu iskoolka dhameeyeyna waxaa loo tababaray sida wax loo dilo oo ciidan buu noqday. Jabhaddii SNM ee beesha dhexe wuxuu ka mid ahaa hogaamiyaashii ugu cadcadaa, uguna ciilqabka badnaa.


Markii gabalkisii dhacay kacaankii Maxamed Siyaad Barre horboodaayey, Muuse Bixi iyo beesha reer shiikh Isxaaqna gacanta ku dhigeen Hargeysa, Muuse wuxuu ka mid noqday rag badan oo gabood-fal sameeyey, laayeyna dad shicib ah, aano qabiil daraadeed.


1993 markii madaxweynihii ugu horreeyey Somaliland Cabdiraxman Tuur uu Addis-Ababa uga dhawaaqay inuu aaminsan yahay Somali weyn, reerka la yiraahdo Garxajiskuna ku raacay (ku taageeray) aragtidiisii, ayaa dagaalkii ahliga ahaa ee sokeeye ka dhex bilowday bahda reer shiikh Isxaaq, Muuse Bixina wuxuu ka mid ahaa raggii gacmaha dhiigga ku lahaa oo qaybta libaax ka qaatay dagaalkaas kumanaanka qof ku dhinteen, waxaana laga hayaa ama laga qoray asagoo meel fagaara ah oo dad colaad u dhiilaysan ay isugu soo baxeen ku dhiiri-galinaaya inay dagaalamaan, wuxuuna cod dheer oo dhiilo xabaarsan ku lahaa "Anigoo Wax Dilli Kara Duco Qaadan Maayo”!


Dilkii iyo xasuuqqii ka dib, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayaa u magacaabay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland, markii la aas-aasay xisbiga Kulmiyana wuxuu noqday guddoome ku xigeenka labaad ee xisbiga; Bishii November 10, 2015 waxaa loo doortay guddoomiyaha Kulmiye iyo musharaxa xisbiga.


Haddaba, Bahal hilib ceedhiin inuu cuno ma daayo, ragna caadadii ma baajo, markuu madaxweyne noqday judhiiba { markiiba} wuxunu bilaabay kala qaybintaiyo iska horkeen beesha dhexe, asagoo u kala faquuqay Jeegaan, Garxajis iyo kuwo looma ooyaan ah, wuxuuna weeraray Tuka-Raq, inuu ka baxana dhagaha ka furaystay; wuxuu xirxiray dad badan oo biri-mageyda ah, sida Suldaan Maxamed Muuse Cunne iyo Boqor Buur-Madow, waxaa dagaal ka bilowday Ceel Afweyn ay dad walaala ah isku dilayaan, Bixina lagu eedeenayey inuu dabka wax ka shidaayo.


Maanta, wuxuu talo xumo dabka saaray Laascanood, maxastiina ka qaxiyey. Wuxuu si arxan-darro ah u duqeeyey magaaladii Laascanood, meelihii adeegga dadweynaha iyo cibaadadana burburshay. Wuxuu abuuray kacdoon dadweyne iyo jabhado buuraha galay {Gacan Libaax} oo isku dhac dhimasho iyo dhaawac keenay. Sool, waxaa ka dhacay dagaalkii ugu xumaa mid abad ka dhaca gayiga Somaliyeed, dhimasho, khasaaro iyo hub la kala qabsado, waxaana abuurmay cadaawad dad walaala ah oo isdhalay, wadana dhashay, sababteeda waa talo xumada Muuse Biixi.


Hadda iyo dan, Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘nin aan kuu furidoonin yuusan ku rarin’.

W/QMahamud J. Farah

[email protected]

U.S.A

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...