Waayaha Inagu Soo Fool Leh Iyo Mooganaanta Umadnimo Ee Ina Dul Hoganaysa !

0
Wednesday September 06, 2023 - 10:45:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waayaha Inagu Soo Fool Leh Iyo Mooganaanta Umadnimo Ee Ina Dul Hoganaysa !

    Hadii in uun ay jirto maanta cid mustaqbalka dadka soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii in uun ay jirto maanta cid mustaqbalka dadka soomaaliyeed



Nolosha dadka soomaaliyeed waxa ku soo biiray soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay wax badan maadaama dalkii soomaaliya burburay dadkii waxa ay noqdeen qaxooti ( refugee) meel walba oo aduunka ah jooga.


 

Mudadaasi soddonka sanadood ah waxa lagu guuleysan waayey in soomaali loo helo dawladnimo dhab ah oo kafaala qaada nolosha dadka soomaaliyeed sidaa la ajligeed dadkii soomaaliyeed waxa ay bayhoof iyo baaba'a u noqdeen dawlad la'aan waxaana ay u hayaameen dalalka kale ee aduunka si ay nolol u raadsadaan.



 

Dalkii la isku odhan jirey jamhuuriyada somalia waxaa uu u kala jabay labadii dhambal ee isku biiray 1 July 1960 kii oo kala ahaa Somaliland British protectorate iyo Somalia under Italian colony oo labaduba xornimo ka qaatay gumeystayaashii 26 June 1960 iyo 1 July 1960 , dhinaca Somaliland oo nabad ahaa soddon sanadood hadana lama helin dawladnimadii dadkeeda kafayn lahayd sababta oo ah waxa ay garab ka wayday aduunka oo ay aqoonsi ka wayday.


 

Dhinacii kale oo soddon sanadood ay dagaalo kala duwani ku socdaan ayaa labaatankii sanadood ee ugu dambeeyay loo soo dhisayey dawlado magac dawladnimo leh laakiin aan awood dawladnimo iyo kalsooni umadeed midna haysanin , kaaga darane dhinacani waxa uu u sii kala jabay shan maamul goboleed oo kalawada madax banaan.


 

Ujeedkaygu muu aheyn in aan siyaasad iyo maamulo ka sheekeeyo laakiin si aynu u fahano taariikhda ayaa igula baydhay ee halka aan u socdaa waa dadkii soomaaliyeed dunida maxay ka yihiin , qiimahoogu halkuu joogaa , dad ahaan miyey sii jiri karaan dal la'aan , dadkii dibadaha tagey miyey doorsoomeen mise waa soomaali wali ?.


 

Su'aalahan iyo qaar badan oo kale waxa ka jawaabay qaar wakhtiga kuwa kalena wuu soo wadaa , waxa aan uga socdaa umad ahaan waxaa inagu soo fatahay nolol kale , dhaqamo kale , siyaasado kale , diimo kale iyo doorsoon umadeed oo xoog badan kaasi oo abuuray khal-khal iyo isfahmi waa noloshii ku yimid , dadkii dhexdoodii ku yimid , hogaamintii iyo hagistii umadeed dul hoganaya.


 

Waliba waa bilow wax badan oo dadka soomaaliyeed la yaaban yihiin ayaa saleelo noqon doona marka si dhab ah dadkii qurbuhu ugu soo guryo noqdaan dalalkooga , xili aan waxba laga qaban karin xeerar iyo xadhig xakameeyaa aanu jirin oo loo sii xaadhay wado walba oo ay jeclaayeen in ay u noolaadaan.


 

Waa waayo iyo wakhti murugtiisa leh oo ay ku loolami doonaan labada xagjir ee nolosha aadamaha dhinac walba saameeyey kuwaasi oo midwaliba dhinacyada u arki doono in uu gudanayo xaq,xuquuq iyo waajibaad uu leeyahay kuwaasi oo aad u kala fog , u kala aragti fog , u kala dhaqan fog u kala diin durugsan una kala aqoon gedisan.


 

Waligey waa ii muuqdaa waayaha inagu soo fool lehi laakiin ma garan karo in si wax la iila arko iyo in kale , waa sababta aanu in badan bulshada ugu kala aragti duwanahay sida loo waajahayo mustaqbalka iyo waxa maqan .


 

Waxaa kale oo ii muuqda in umudaha la deriska ah dadka soomaaliyeed ay u arkaan dadka soomaaliyeed dad jabay oo burburay oo aan xaq u lahayn dawladnimo iyo lahaansho dhul , bad iyo cir dihin oo rabaan in ay ku yimaadaan farsamo , arinkale iyo ismuquunin marba midkii u suuragasha si soomaalida loo dhaxal wareejiyo.


 

Arimahani uma baahna daliil kale bal waxa aad eegtaa uun in ay jirto soomaali is ogoli ? Ardaa waliba ka xiga ma bixiyo , qabaailo ayaa loo kala gurtay si aanay waligood isugu iman ama wax kale oo macno weyn leh u samaysanin, waa yar yahay qof dareemi karaa waxa socda iyo shirqoolada inagu soo waajahan xiligani adag.


 

Hadii in uun ay jirto maanta cid mustaqbalka dadka soomaaliyeed ka fekeraysaa waxaa qasab ku ah in maanta waxa la hayo lagu mitido wax badan oo hore u soo dhacayna la iska iloobo si loo waajahi karo xaqiiq wax la isaga celiyo , lagu sii jiri karo oo aduunka inta hadhayna wax lagula qaybsan karo laakiin waa hadii cidiba fursad kuu siisaa .


 

Inta aan ka soo hadlay iyo in badan oo lama maqal iyo lama arag ahi waa dambaysaa waliba alle ha inaga badbaadiyo e insha Allah.

 

La soco....

 

Waxa qorey Maxamed Cabdi Jaamac

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...