Kim Jong Un Iyo Putin Oo La Filayo Inay Kulan Xasaasi Ah Yeeshaan
Hoggaamiyaha Kuuriyada
Waqooyi Kim Jong Un ayaa la filayaa inuu madaxweyne Vladimir Putin kula kulmo
Ruushka, si uu ugala hadlo inuu Moscow siiyo hub ka caawiya dagaalka Ukraine,
waxaa sidaas Isniintii sheegay Mareykanka.
Hadalka ayaa yimid
kadib markii Aqalka Cad uu toddobaadkii tegay ka digay in Ruushka uu
wada-hadallo sir ah kula jiro Kuuriiyada Waqooyi si uu uga helo hub kala duwan.
"Sida aan horey uga
dignay, wada-xaajoodyada hubka ee Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horumar
sameynaya,” waxaa sidaas tiri Adrienne Watson, afhayeen u hadashay Golaha
Amniga Qaranka Mareykanka.
"Waxaan haynaa akhbaar
ku saabsan in Kim Jong Un uu rajeynayo in wada-hadallada ay sii socdaan, oo ay
qeyb ka noqdaan kulan diblomaasiyadeed heer hoggaamiye ah oo ka dhaca Ruushka.”
Kim -- oo aan inta
badan u safrin dibedda -- ayey u badan tahay inuu dhammaadka bishan tago
magaalo xeebeedka badda pacific ee Vladivostok ee Ruushka, oo aan ka fogeyn
Kuuriyada Waqooyi, si uu ula kulmo Putin, sida uu ku warramay wargeyska New
York Times.
Wargeyska ayaa sheegay
in xitaa ay suurta-gal tahay in Kim uu u safro Moscow, balse aysan hubneyn.
Afhayeenka Golaha
Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa toddobaadkii tegay sheegay in inkasta
oo ay beeniso, haddana Kuuriyada Waqooyi ay gantaallo siisay Ruushka sanadkii
2022, kuwaas oo ay isticmaaleen kooxda gaarka loo maamulo ee Wagner.
Dhinaca kale, wasiirka
difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa bishii tegtay u safray Kuuriyada Waqooyi
isaga oo hub dheeri ah u raadinaya dagaalka, ayey tiri Watson.
"Waxaan ugu baaqeynaa
Kuuriyada Waqooyi inay joojiso wada-hadallada hubka ee ay kula jirto Ruushka,
una hoggaansato ballan-qaadka Pyongyang ay sida shaacsan u sameysay ee ah in
aanay hub siineyn Ruushka,” ayey tiri Watson.
Mareykanka, Britain,
Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa bayaan wada-jir ah oo ay kasoo saareen QM
ku sheegay toddobaadkii tegay in iskaashi kasta oo dhex-mara Kuuriyada Waqooyi
iyo Ruushka uu jebinayo qaraarka Golaha Ammaanka ee mamnuucaya in heshiis hub lala
galo Pyongyang -- qaraarkaas oo Moscow xitaa ay taageertay.
VOA


0 





