Madaxweyne Biixi –Safarka Oog Ka Hor
Warar badan ayaa jira oo sheegaya inuu madaxweynuhu safar ugu socdo Oog si uu usoo eego ciidanka qaranka ee halkaa ku sugan, iyada oo ay hadda dibedda usoo baxday xaqiiqada wixii dhacay maalintii Jimcaha ee 25 August.
Inkasta oo qofba meel u toocsday oo tii u jeclaa ku toosistay haddana mid waliba waxay ku soo ururaysaa in amarkii in madaxweynuhu lahaa amarkii ciidanka lagaga soo saaray goojacdee iyadoo weliba afar ka mid saraakiisha ciidanku ay arrintaa uga digeen.
Khaladkaasi wuxuu adhaxda ka jebieyey ummad uu markii horeba talo xumo darteed dhaqaale ahaan shafka dhulka ku haysa oo kala qaybsan.
Haddiiba uu madaxweynuhu garan waayey sharafta ka raac oo iscasil ummadana raaligelin sii, waxay ahayd in sharcigu shaqeeyo oo golaha shacabku madaxweynaha impeachment ku sameeyo, labadaas midna mama dhicin umana muuqato inay soo socdaan.
Muse Biixi khalad kasta oo uu galay iyo talo xumo kata oo uu ku kacay wuxuu ahaanayaa madaxweynaha sharciga ah ee dalka ilaa inta doorashadu dhacayso.
Taasi waxay madaxweynaha siinaysaa fursad uu ugu yaraan khaladaadkii dhacay qaar ka mid dib u saxo si sumcaddiisa iyo ta reerkiisaba dib u soo kabato.
Ugu horreyn waxa madaxweynaha la gudboon inuu goaan ka qaato kooxda uu ninka wasiirka hore ahaan jiray hogaamiyo ee uu mus dambeedka dawladiisa ka dhigtay. Kooxdaas oo taldoodii ahayd "xal siyaaysiya ah ayaanu raadinaynaaye ciidanka soo saar” ay ahayd ta keentay adhaxjabka dalka ku dhacay.
Haddiiba ay iyagu garan waayeen ummada ka weji qarsada, waxa madaxweynaha la gudboon inuu isagu indhaha dadka ka qariyo nimankaa wadda kasta oo uu maraba.
Waxa kale madaxweyne looga baahan yahay in raggii qorshe xumaantoodu keentay jabkii ciidankii qaranka uu la xisaabtamo oo ama xabsiga dhigo ama derjada ka xayuubiyo, haddii taa aanu samayn karin waa inuu iska fogeeyaa oo aan agtiisa lagu arag.
Haddii uu madaxweynuhu Oog u socdo in isaga oo tixgelinaya xaaladda hadda taagan ee weliba Oog ka taagan waa inaanu kaxaysan Janaral Taani iyo Col. Afguduud midna.
Haddii labadaa masuul ee fashilmey agtiisa lagu arko waxay dadka u qaadanayaan inuu madaxweynuhu aanu isna wax badan dhaamin nimankaas talo xumadoodu adhaxda ka jebisay ciidankii soddonka sano lasoo dhisayey.
Fahmi Abdillahi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!