Waan ku salaamay saaxiib.
Dadka qaar ma soo laba noqdaan, ee halmar ayey cimrigaaga ku soo marayaan sida maalinkii aad dhalatay oo kale!
Hal mar ah ayunbaad cimrigaaga oo dhanba la kulmeysaa qof inta aad horfadhiisato aad garan waayeyso meel aad hadalka uga bilowdo, ee isaguna kugu odhanaya: "ha isdhibin, waan garanayaa waxa aad dooneyso inaad ii sheegto adiga oo aan odhaninba'e!"
Marka ay ereyadaadu kuu gooyaan (hadalku uu kaa soo bixi waayo), qofka isaga sidaas kugu afgaranaya!
Halmar ah ayunbaad cimrigaaga oo dhanba la kulmeysaa qofka aad doqonniimada siiyidka ah kula kacdo, kadibna aad isa soo canaanato ee adiga oo cudur daaranaya oo raalli gelinaya aad utimaaddo, ee inta aad juuqba u odhan kugu odhanaya: "ha u bixin. Si wacan ayaan kuu gadhanayaa oo ma tihid qof xun, ee waxa aad markaa ku jirtay xaalad adag oo waxaas kaa keentay'e!"
Halmar ah ayuu cimrigaaga oo dhanba ku soo marayaa, qof inta ay duruufuhu idinku adkaadaan aad dooneyso inaad ka tagto, oo inta uu gacanta ku qabsado ku odhanaya: "kaama yeelayo inaad iga tagto, oo aad ayaan ugu daalay raadintaada intii aan kaa helayey!"
Halmar ah ayunbaad cimrigaaga idilkiiba la kulmeysaa qofka iyada oo ay kun iyo kow derbi idin dhexeeyaan, marka aad adigu fanashada derbiyadaas ka daasho, aad arkeyso iyada oo aanu isagu daaleynin ee uu dartaa derbiyadaas uga soo talaabayo oo uu ku leeyahayba: " wax kastaaba waa sahalo mar haddii aad ila jirto adigu!"
Halmar ah ayunbaad cimrigaaga oo dhan la kulmeysaa qofka aad dooneyso in aad ka tagto adiga oo uga baqaya, in aad dhib ugeysato, ee aad arkeyso isaga oo ku leh: "ila joog, cadaab aan adiga kula maro ayaa iiga macaan janno aan adiga kugu waayay'e!"
Halmar ayunbaad jirahaa iyo joogahaaba (weligaaba) la kulmeysaa qofka aan qofna u e keyn, isagana aanu qofna u ekeyn, ee ha iska dayicin!
Nabaadiino saaxiib.
Buuga waan ku salaamay saaxiib.
Bogga144.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!