Qabyaaladii iyo Dimuqraadiyadii way isqaban waayeen (Ali Biixi).
Waxa khatar ku haysa umadda Soomaaliyeed oo dhan cudurka la yidhaahdo qabyaalada oo ka horeysa diintii iyo mab da'ii dawladnimo iyo wada jirka.
Qabyaaladu waa wax soo jireen ah , laakiin ku dhaqankeeda sida foosha xun loogu adeegsanayaa , wuu burburiyay umaddii Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudde iyo dal iyo dibedba.
Qabyaaladu dawlado hore ayay soo burburisay oo islaamku ka mid yahay iyo khilaafadii islaamka .
Dad badan oo wanaagsanaa waxa loo dilaa Qabyaalad iyo aargoosi . ( sidii cali bin abiidhaalib RC uyo qaar kale oo badan).
Dawladii islaamka ee dawlada Umawiya waxa loo riday qabyaalad oo reer bani Cabaas u rideen oo ay sameeyeen dawladii Cabaasiyiinta.
Qabyaaladu khasaare iyo waxay dumiso mooyee iyo kala qeybsanaan ,wax faa'iido ah umadaha uma laha.
Waynu aragnaa waxa maanta somaliland ka taagan dagaalo qabiil iyo burbur iyo aargoosi .
Dawladnimadii iyo qabyaaladii way isqaban waayeen .
Waxaynu kalo aragnaa dawladnimadii iyo Dimuqraadiyadii oo isqaban waayay , iyada oo ay jiraan xisbiyo iyo doorashooyiniyo axsaab badan oo somaliland qaadatay nidaam Dimuqraadiya oo 5-tii sanadoodba ay ahayd in madaxweyne la doorto iyo baarlamaan iyo gole degaan .
Laakiin Qabyaaladii ayaa ka xoog weynaatay nidaamkii iyo distuurkii iyo sharcigii la dhigtay oo Qabyaaladii iyo reerkaàsi xilka ma qabanaayo iyo reer hebel xilka ha laga ilaaliyo iyo nidaam ay ku bahoobeen 2-ba reer oo jeegaan wada samaystay oo qabyaalad ku bahoobay ,
In aanay Qabyaaladii iyo nidaamkii Dimuqraadiyada ku dhisnaa , aanay wada noolaan karayn .
Waxaynu aragnaa in qabyaalad lagu soo xulay madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka iyo golaha degaanka oo intooda badani ay noqdeen khasaare iyo dad aan u qalmin in ay umad iyo dal iyo dad hogaamiyaan oo xil u qaadaan .
Qabyaaladu waxay keentay in wixii la wada lahaa ay koox yari ku tagri fasho oo ay ku adeegsato sharcigii - xoriyadii- cadaaladii- sinaantii oo maamulkii cadaalad daro sameeyo iyo musuq-maasuq iyo xadhig xaq daro ah iyo dil iyo xasuuq qabyaaladaysan iyo dilal dad mudaaharaad silmiya sameynaaya la dilo oo la dhaawaco oo la xidh xidho,
Iyo cago juglayn iyo hanjabaad qabiilaysan .
Hadaba waa in caqli la keeno ,oo maamulku shaqeeyo oo nidaamka Dimuqraadiyada ah ee la qaatay uu shaqeeyaa oo doorashooyinku xiligoodii qabsoomaan .
Waana in la helo fikir iyo aragti wax qabad iyo dawladu sameyso adeeg bulsho iyo waxa loo sameystay ay fuliso.
Waxaynu maanta wada aragnaa oo wada ogsoonahay in dawladnimadii iyo Qabyaaladii isqaban waayeen,
Oo dawladnimadi iiyo Dimuqraadiyad ii iyo nidaamkii somaliland qaadatay isqaban waayeen .
Hadaba waxa loo baahan yahay in xal iyo sidii laysu wafajin lahaa dhaqankeenii qabyaalada ahaa iyo dawladnimadii iyo Dimuqraadiyadii.
Iyo sidii aynu ugu dhaqmi lahayn Dimuqraadiyad ina anfacda iyo nidaamkii dawladnimada ahaa ee aynu qaadanay.
Dimuqraadiyaddu maaha nidaam dibedda laga soo waarito ama laga keensado , ee waa halgan umadeed oo joogto ah oo dhaqankooda ku salaysan .
Waxaynu u baahanahay madax daacad ah oo fikir iyo aragti iyo hogaan siyaasadeed leh oo indheer garad siyaasadeed ah oo hogaamin siyaasadeed leh iyo rajo iyo mustaqbal iyo horumar keeni karaaya.
Ilaahaw na garansii dariiqa toosan.
Calibiixi
Ali Beli
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!