Prof. Axmed Ismacil Samatar wuxuu garan waayey wax ay garatay Fahiima Yuusuf Quuje.
Fahiimo Quuje, waxay garatay in qof kasta uu dhashay isagoo xor ah. Sidaas darteedna, aan la oggolaan karin in qabiil Somaaliyeed gumeysto qabaa'il kale oo Somaliyeed. Fahima Quuje, waxa kale oy garatay inaan marna la heleyn Somaliland la wada leeyahay.
Sidoo kale, Suldaan Dhawal iyo Salaadiinta reer Awdal waxay garan waayeen, wax ay garteen Garaadada reer SSC oo ah inaan dadku ahayn Adoomo Muuse Biixi leeyahay ee dadku yahay Adoomo Ilaahey.
Muuse Biixi, wuxuu Prof. Samater u xambaariyey Urur Waraabe u taag ah oo loogu talo galay isaga iyo kuwo kaleba in Isbaaro loogu dhigto musharax Cirro iyo Xusbigiisa Wadani.
Suldaan Dhawal iyo Salaadiinta reer Awdalna waxaloo direy wax loogu yeedhay Shirarka Irir Samaale oo marna gogoshiisa la dhigo, marna la laabo.
Shirarkaas Irireysan, ujeedkoodu waa in lagu faquuqo beelaha Daarood, siiba kuwa Harti Waqooyi ee Somaliland. Irirka Samaale ee Odayaashaas Samaroon Muuse u diray waxa ka mid ah Oromada Nageyle Boorane oo sokeeye iyo walaal laga dhigayo iyo Daarood oo shisheeye ah oo la iska bahaysanayo. Odayaashaas waxa loo xambaariyey Godob ay ka dhuunteen Madax dhaqameedka beesha dhexe.
Prof. Samater wuxuu muddo dheer u ololeyn jirey midnimada Somalida, wuxuuse is bedelay markuu waayey tartankii Madaxweynaha Somaliya 2016.
Prof. Ku wuxuu ku sababeeyey ka laabashada midnimadoonka Soomaaliyeed, in Kursiga Madaxweynuhu u xidhanyey 2 beelood oo keliya ( Hawiye iyo Daarood).
Professorku, intuu ku jirey ololaha madaxweynanimo wuxuu ku bixiyey Juhdi badan oo Maal iyo wakhtiba leh. Waxaad arkeyseen isagoo Xeryaha qaxootiga ee Xagar dheer dhex wareegaya oo qaxooti baahan isku sawiraya.Laakiin markuu waayey doorashadii meel cidluu kaga dhaqaaqey Midnimadii iyo Somalinimadii uu u ololeyn jirey. Taasi waxay na tuseysa in odeygu Mansab doon ahaa ee aanu mabd'a doon ahayn.
Professorku, wuxu sheegay inuu Cadaalad darro darteed uga soo cadhoodey Somaliya oo Madaxweynu beel yahay, gudoomiyaha baarlamaanku beel kale yahay, gudoomiyaha aqalka sare beel kale yahay, gudoomiyaha Maxkamada sare beel kale yahay, 10 ka Xusbi siyaasadeed Beelaha Somaaliyeed ka koobanyiin, Generaalada Ciidamadu beelo kala duwan yihiin. Wasiirada arrimaha Debeda, Gudaha, Maaliyadu beelo kala duwan yihiin.
Prof. Samater, taas bedelkeeda wuxuu raalli ka noqday oo si indho la'aan ah u taageeray, maamul Hal Beel ah ay ka soo wada jeedaan Madaxweynaha, Gudoomiyaha Guurtida, Gudoomiyayaasha 3 da Xusbi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Generalada Ciidamada, Wasiirada Debeda, Maaliyada iyo arrimaha gudaha, 75% barlamaanka maamulkaas oo ka kooban 82 Wakiil.
Prof. Axmed Ismaaciil, wuxuu ka soo cadhoodey Somaliya oo beelo kala duwan kursiga u sareeya ku tartamaan, wuxuuna ku soo biirey Somaliland oo Hal beel ah ku tartanto.
Prof. Axmed Ismaciil Samater, wuxuu oggolaaday oo taageeray wax kasta oo xumaan ah oo Muuse Biixi ku sameeyey reer Somaliland, haday tahay dimoqraadiyadii uu inqilaabay, xasuuqii shacabka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, Gabdhihii 20 ka badnaa oo Hal beel ah ka soo jeeda ee Muuse ku xidhey gurigiisii Gabiley, Gabdhihii lagu tumanayey suuqyada Hargeysa, Madax dhaqameedkii iyo madaxdii Xusbiga Wadani ee la afduubanayey, saxaafada xorta ee la cabudhinayey iyo ugu dembeyntii madaafiicdii lala dhacayey Masaajidyada, Isbataalada iyo maatada reer SSC.
Prof. Samater iyo Salaadiinta reer Awdal maalin keliya ma odhan Muusow maatada madaafiicda ka daa oo ciidankaaga Gooje Cade kala soo bax.
Fahiima Quuje iyo Garaadada SSC, waxay garteen in Somaliland qabiil Iska leeyahay oo sidaas darteed, aanay diyaar u ahayn inay noqdaan Muwaadiniinta Derajada Labaad ( Second grade citizens ).
Prof. Samater, Salaadiinta reer Awdal iyo Siyaasiyiinta ku matela maamulka Muuse Biixi, waxay dadkoodii ka dhigeen muwaadiniin darejada 2 aad ( Second grade citizens). Ma kasaan. Mana karaan. Waxay gumeeyeen ehelkoodii. Waxay iibsadeen karaamadoodii iyo karaamadii dadkooda. Waxay mididin u noqdeen Suldaan Xasan iyo Muuse Biixi.
Maalmahan, waxan baraha bulshada ku arkeyney qoraal Prof. Samatar ku diidayo go'aankii Beesha Habarjeclo ee Muuse Biixi u soo dhiibey jabkii Gooja Cade kadib.
Prof. Samatar iyo reer Awdal, midna ma leh awood ay ku diidaan go'aanka beesha Habarjeclo oo ka mid ah beelaha Derajada 1 aad(First grade citizens) ee Somaliland.
Muuse wuxuu abaabulayaa dagaal cusub, Sidaas darteed, u diyaariya reer Awdalow Wiilashii, Jabdhankii iyo Muqmadii ciidamada.
Naaleeye
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!