Todobaad Ka Dib Qabsashadii Goojacadde Maxaa Xiga Labada Dhinac

0
Saturday September 02, 2023 - 08:34:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1754
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Todobaad Ka Dib Qabsashadii Goojacadde Maxaa Xiga Labada Dhinac

    "Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa la sheegaa inay ka qaxeen magaalada."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa la sheegaa inay ka qaxeen magaalada."



 

 

Khilaafka siyaasadeed ee Sool waa mid mar walba keenaya in lagu dagaallamo gobolka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed isugu magacawday Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa in uu safar ku tago degmada Oog oo ka tirsan gobolka Sool.

 

Booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu niyadda ugu dhisayo ciidamada halkaas ku sugan.

 

Askar ka tirsan ciidankii ka dagaallamayay Laascaanood ee Somaliland ayaa dagaalka ku geeriyooday iyadoo qaarna la qabsaday.

 

Degmada Oog waxaa ku sugan ciidamada Somaliland ee joogi jiray Laascaanood iyo kuwa kale oo lagu soo kordhiyay.

 

Dhinaca kale degmada Guumeys oo 21-KM u jirta Oog ayaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, uu geeyay ciidamo. Ma kala cadda inay yihiin ciidamo uu Karaash ka keenay Puntland iyo inay yihiin ciidan kuwa deegaanka ah.

 

Somaliland waxay hore ugu eedeysay Puntland inay dagaalka qayb ka tahay.

 

Saan-saan dagaal

Somaliland waxay sheegtay in ay ka jawaabi doonaan wax ay ku tilmaameen "weerarkii lagu soo qaaday ciidanka Goojacadde jooga". Dhanka odayaasha dhaqanka ee deegaankaasna waxay sheegeen inaysan weerar qaadi doonin oo ay "sugayaan xuduuddahooda", haddiise la soo weeraro waxay si BBC u sheegeen in aysan "gacmaha laaban doonin".

 

Suurtogalnimada ah in dagaal uu mar kale dhaco lama baciidsan karo. Hogaamiyaha maamulka Khaatumo oo maanta hadal ka jeediyey masjid-jaamaca Laascaanood wuxuu dadka weydiistay in aan magaalada lagu soo celin dadka nugul sida carruurta.

 

Qiyaastii 50,000 oo qof ayaa la sheegaa inay ka qaxeen magaalada.

 

Inkastoo uusan sheegin sababta, misna waxaa loo fasirtay in weli dhiillo ay taagan tahay.

 

Sheegashada gobolka Sool

Haddaba maxay tahay sababta gobolka Sool uu ugu jiro mushkiladda la xiriirta waxa uu noqonayo cidda maamulaysa?

 

Faysal Axmed warsame oo ahaa guddoomiyihii hore ee bulshada rayidka Puntland ayaa mar sii horeysay BBC-da u sheegay in mushkilad xooggan oo dhinaca sharciga ay ka jirto gobolka Sool.

 

"Sool waxaa taalla mushkilad xagga sharciga ah oo aad u xoog badan, dhanka sheegashada, dastuurka Puntland waxaa ku qoran Sool in ay ka mid tahay gobollada lagu aasaasay Puntland, halka Somaliland uu dastuurkeeda ku qoran yahay Sool Somaliland bey ka tirsan tahay , dastuurka federaalka wuxuu qabaa in gobollada Soomaaliya ay hoos yimaadaan Federaalka, arrinta waa mid xasaasi ah oo aan is leeyahay saddexdaas dastuur saameyn bey ku leeyihiin gobolkaas”

 

Dhawaan magaalada Laascaanood waxaa lagu dhisay maamulka kaas xilka kala waregay maamulkii hore ee madaxda dhaqameedka iyo guddigii 33-da ahaa ee waday howsha maamulka.

 

Laakiin Sool waxay udub dhexaad u tahay doodda gooni-isu-taagga iyo aqoonsi doonka Somaliland oo salka ku heysa inay ‘dal’ xuduudo cayiman leh, oo laga dhaxlay Ingiriiska ka hor madaxbanaanida iyo midowga Waqooyigu la galay Koonfur. Doodda sharciyadeed ee Somaliland waxay ahayd inay si buuxda, gacanta ugu heyso dhulkii Waqooyi ee Ingiriiska xorriyadda ka qaatay, oo ay islamarkaasna mudan tahay in loo aqoonsado ‘dal madaxbanaan’ iyada oo la tixraacayo heshiiskii horraantii lixdameeyada ee Midowga Afrika, kaas oo dhigayay in xuduudaha gumeystahu ka tagay sharci u yihiin sida gumeystuhu u asteeyay. Laakiin Soomaaliya way qaadacday heshiiskaas. Sool iyo Laascaanood la’aanteed waxay Somaliland ku qasbanaan doontaa inay hesho dood kale oo cusub oo lagu kabo aqoonsi-raadinta.

 

BBC


Loading...
Loading...