Muusow, Waa Maxay Talo Xumo?

0
Friday September 01, 2023 - 08:55:26 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1616
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Muusow, Waa Maxay Talo Xumo?

    W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Ibraahin-Hawd Yuusuf


Talo xumo waa in aad dadkaaga is ku wadi garan waydo. Talo xumo waa in Dhulbahante markii uu diyaarka u ahaa in uu dawlad ku la yeesho aad la yeelan garan wayday. Talo xumo waa in aad Harti Waqooyi Soomaalilaand ka xigsatay halkii aad gacanta u gelin lahayd si la isu aammino.

 

Talo xumo waa in aad mashruucii weynaa ee Cali Khaliif ee mar-la-aragga ahaa dhuuni jacayl iyo dhoohnaan ku lumisay.



Talo xumo waa in aad garan wayday dilalkii Laascaanood ka dhici jiray ciddii ka dambaysay umadda u sheeg oo dadka qanci. Talo xumo waa in aad maatadii gadoodday ee dhagaxa tuuraysay rasaas la dhacday.


Talo xumo waa in aad diidday in aad ciidanka reerka ka dul qaaddo dabadeed wadahadal nabadeed xoogga saarto. Talo xumo waa in aad ciidammadii hubaysnaa ee aad adigu Laascaanood ku soo daysay haddana ku la dhex dagaallanto.


Talo xumo waa in aad iyada oo dagaal Daarood ku gu socdo mid Garxajis is ku furto. Talo xumo waa in aad siyaasaddii debedda iyo tii gudahaba is ku mar ku fashilanto. Talo xumo waa in aad cid kasta oo talo qabeen ahayd agtaada ka fogaysay.


Talo xumo waa in aad habeenkii taariikhddu ahayd 25 Ogos aad shaqo ciidan oo aadan waxba ka garanayn keligaa maamulatay. Talo xumo waa in aad maanta adiga oo intii hore ka itaal yar aad Daarood oo dhulkiisii haysta doonaysid in aad weerarto. Talo xumada u gu weyn ee ku haysaana waa in aadan rag yaqaan ahayn.

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...