Ujeedada Kulan Musharax Cirro La Qaatay Wafdi Ka Socda Norway.
Hargaysa (HWN) Musharax
madaxwayne ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa Hargaysa
kulan kula yeeshay wafdi ka socday dalka Norway.
Musharaxa ayaa sheegay
inay wafdigan kawad hadleen Xaalada Somaliland iyo gashay iyo wada hadalada
Somaliland iyo Somaliya.
"Waxa aan galabta hoyga
aan ka degganahay magaalada Hargeysa ku qaabilay wefdi ka socday dalka Norway
oo ay hoggaaminayso Danjire Heidi Johansen oo ah Ergayga waddanka Norway u
qaabilsan arrimaha nabadda iyo wada-hadallada isla markaana uu la socday Mudane
Casten Carlsen oo ah sii-hayaha Safaaradda Norway.
Si guud, wefdiga waxa
aan ka wada hadalnay xaaladaha siyaasadeed ee uu guud ahaan dalku marayo iyo
xalkii laga gaadhay khilaafkii siyaasadeed ee cakirnaa ee muddada soo
jiitamayey, sida oo kale waxa aan si rasmi ah ugu caddeynay mawqifka aan ka
taagannahay arrimaha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu Musharax
ciro ku sheegay war uu baahiyay.
Dhawaan ayaa xal laga
gaadhay khilaaf ka taagnaa doorashada Somaliland oo kala irdheeyay xukuumada
iyo xisbiyada Mucaaradka Somaliland.