Xukuumada Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday Hay'addo Warbaahineed Oo U Xidhnaa
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa shaacisay inay xayiraadii ka qaaday laba telefishan oo ka mid ah kuwa madaxa banaan ee ka hawl gala somaliland.
Wasiirka warfaafinta somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa kulan uu la qaatay mulkiilayaasha labadaas telefishan ka dib waxay warbaahinta u sheegeen in laysla gartay in xayiraada laga qaado labadaas telefishan isla markaana laga wada shaqeeyo wixii danta guud ee reer somaliland ah.

Xukuumada somaliland may soo bandhigin sababaha keenay in markii hore la xayiro labadaas telefishan iyo qodobo ay fuliyeen oo keenay in xayiraada laga qaado.
Dhinaca kale xukuumada somaliland may cadayn in xayiraadii ay ka qaaday telefishanka dawlada soomaaliya oo laga joojiyey in laga daawado risiifarada ay kireeyaan shirkadaha ka hawl gala somaliland


0 





