Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Waddo Loogu Magac Daray Abwaan Somaliland U Dhashay Oo Caan Ah

0
Sunday June 30, 2019 - 14:59:58 in News by
  • Visits: 5865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Furay Waddo Loogu Magac Daray Abwaan Somaliland U Dhashay Oo Caan Ah

    Waddadan ayaa laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waddadan ayaa laga hirgeliyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Image may contain: 1 person, on stage, standing and outdoor


Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna.


"Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig u ahayd dareenka waddaniyadeed ee dadkeenna.”

Image may contain: 6 people

Dhanka kale, Madaxweynaha oo xarigga ka jaray Waddada Liido ee Degmada Cabdulcasiis ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada wax ku-oolka ah ee ay dib ugu dhisayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoogga saaraan bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda.

Image may contain: tree, sky and outdoor

DHAMMAAD

 

Loading...
Loading...