Xeer Ilaalinta Somaliland Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Eedaymaha Coldoon

0
Sunday June 30, 2019 - 14:46:11 in News by
  • Visits: 2414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer Ilaalinta Somaliland Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Eedaymaha Coldoon

    Xeer Ilaalinta Somaliland Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Eedaymaha Coldoon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaalinta Somaliland Oo Dib U Eegis Ku Samaynaysa Eedaymaha Coldoon


Hargeysa(HWN):-Xeer ilaalinta somaliland ayaa go’aansatay inay dib u eegis ku samayso eedaymaha loo haysto wariye Cabdimaalik Coldoon.

Image result for coldoon


Xeer ilaalinta somaliland ayaa go’aankan qaadatay iyada oo 29-kii bisha loo balansanaa in maxkamada gobolku ay dhagaysato difaaca ay qareenada wariye Coldoon ka qabaan eedaymaha lagu soo oogay fadhigii hore ee maxkamada.


Go’aanka ay qaadatay xeer ilaalintu ayaa keenay inuu dib u dhaco fadhigii ay maxkamadu ka yeelan lahayd jawaabta ay qareenada Coldoon ka bixinayaan eedaymaha kala duwan ee loo jeediyey wariyahan oo ilaa bishii April ku xidhan magaalada Hargeysa.


Maxkamada ayaa maalinta khamiista ah ee dabayaaqada todobaadkan u mudaysay in la dhagaysto jawaabta ay qareenada Coldoon ka bixinayaan eedaymaha kala duwan ee loo soo jeediyey kuwaas oo ay ka mid yihiin qoraalo uu ku baahiyey bartiisa Facebook kuwaas oo la xidhiidhay aragtida uu ka qabo xukuumada madaxweyne Muuse iyo sidoo kale dugsiga Abaarso.

Loading...
Loading...