Culture And History ( Dhaqanka Iyo Taariikhda ) 30/6/019

0
Sunday June 30, 2019 - 14:40:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Culture And History ( Dhaqanka Iyo Taariikhda ) 30/6/019

    Dhaqanku dadka waxaa laga dheehdaa habka ay u fikirayaan ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaqanku dadka waxaa laga dheehdaa habka ay u fikirayaan ,

ay wax u arkaa ,waxna u turjuntaan ,marka loo eego deegaankooda ku xeeran ,taasina waxay qaabaysaa fikirka iyo adeega (serves ) loo adeegsado falanqaynta waxa kasta oo ku dhaca deegaanka ku xeeran, iyo wax kasta oo ka yimaada ciriqa iyo qaabka cuntooyinka aynu cuno ,sida aynu u labisano, sida aynu u hadalno, sidaas darted, dhaqanku marka loo eego ari maha dibada

 

waxaa la odhan karaa ‘waa macalinka deegaanka kugu xeeran” waxaase iswaydiin leh side uu dhaqanku uqaabeeyaa una saamayna ugu leeyahay arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamigaa, jawaabtu waxay tahay dhaqanku wuu saamaynayaa siyaasada aynu go aansano, sidaas darted qurxinta fikirka iyo dabeecada (behavior ) waxaa qaabeeya dhaqanka ,sikastba ahaatee dhaqanku waa xidid qoto dheer kaas oo si fudud looga heli karo (archives ) siyaasada dibada (foreign policy )



Sikastaba ha ahaatee, arimaha dibada ee dal waxaa raadkuleh taariikhda iyo dhaqanka , dhibaatada dal kala kulmo siyaasadiisa arimaha dibadana waxaa laga gartaa qiimaha iyo iimaanka soo jiray sanado badan, taariikh ahaana iyo dhaqan ahaanba waxay saamayn ku yeeshaan siyaasadaada dibada ,guudahaan dadka   wadaagaan waayo aragnimo iyo fahan dhacdooyinka taariikheed, taasi waxay dalka ka taageertaa siyaasada arimaha dibada, hadaba dalalka dhaqan ahaan dadkoodu kala duwan yahay iyo soo jiroonkooduba waxaa dhib ku noqta in ay qaabeeyaan siyaasadooda dibada ,tusaale ahaan dalalka Gambia iyo Senegal waxay wadagaan dhaqan isku mid ah iyo luuqad qudha,taasina waxay saamayn ku yeelatay siyaasadoodii arimaha dibada,


Hadii aynu dib ugu yara noqono waqtigii gumaystayaasha oo iyaduna ah waayo aragnimo taariikheed oo iyadu saamayn ku leh siyaasada arimaha dibada ee dal. Sida la ogyahayna siyaasada dalalka Aaasiya ,Afrika, waxaa qaabeeyey gumaystayaashii hore, (Britain,france, spain, and Portugal) taasina waxay tusaale u tahay dalalka ku hadla af fransiiska ee dalalka afrika, sida Senegal,mali, benin, togo,ivory coast, etc, sida iska cadna waxay faransiiska ka dhigtay ayna siisay in uu door wayn ka ciyaaro arimaha aduunka, taana waxaa kale oo la mid aha,Britishka oo usamaystay dalkii uu gumaysan jiray (commonwealthy of nations ) sida gambia , Ghana, camaroon, Cyprus, ets, waxaanand manta ka dheehankartaa siyaasada arimaha dibada ee dalalka caalmka intooda badan dalalkii ay kalawareegeen xukunka iyo saamaynta ay ku leeyahiinba,

 

By:Khaddar Adam Aw Muuse

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...