Muuse Biixi Iyo Garaad Jamac Garaad Cali Dalka Yaan Lagu Daawan Intuuna Ficilkooda Ku Dumin!

0
Monday August 28, 2023 - 13:46:13 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Iyo Garaad Jamac Garaad Cali Dalka Yaan Lagu Daawan Intuuna Ficilkooda Ku Dumin!

    Coladahaas Sokeeye Oo Dad Badani Ay Ku Dhinteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Coladahaas Sokeeye Oo Dad Badani Ay Ku Dhinteen

 



Madaxweyne Muuse Biixi,Wuxuu Aaminsan Yahay In Cudud Ciidan Lagu Maareeyo Dhibaato Kastoo Dalka Soo Foodsaarta,Isagoo Yaqiinsan Inay Debecsanaantu Tahay Doqoniimo Siduu Hore U Sheegay.


 

Muuse Biixi Wuxuu Hore Jidgooyo Ugu Galay Madaxwaynihii Hore Ee Somaliland,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Wakhiti Adag Oo Lagu Gudojiray Halgankii Qadhaadhaa Ee Xukunka Lagaga Tuuray Maxamed Siyaad Barre.



 

1994kii Dagaaladii Sokeeeye Ee Dalka Ka Dhacay,Waxa Gadhwadeen Ka Ahaa Madaxweynaha Talada Haya, Muuse Biixi Cabdi Oo Wakhtigaas Ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Jsl.


 

Coladahaas Sokeeye Oo Dad Badani Ay Ku Dhinteen, Kumanaan Kalena Ay Ku Barakaceen.Qaar Badan Oo Kalena Ay Ku Naafoobeen Isla Markaana Ka Soo Kabashadoodii Ay Adkaatay.


 

Xilligii Loolanka Adag Loogu Jiray Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.Way Ku Adkaatay Inuu Si Miyirqabta Tartan Ula Galo,Raggii Damaca Lahaa,Mana Jirin Kalsooni Uu Ku Qabay Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa Iyo Inuu Cod Ku Muquunin Karo Raggii Ay Is Ahayeen Taa Bedelkeedana Wuxuu Awoodda Saaray Murshaxnimada Xisbiga Kulmiye Kooto Loogu Xidho Oo Uu Halgan Adag U Galay,Taladii Muuse Biixi Waxay Wakhtigaa Isugu Soo Ururtay Iaga Reeba Iyo Kan Xidha.


 

Muuse Biixi Cabdi Iyo Koox Uu Hoggaaminayey Waxay Magaaladda Hargaysa Ka Bilaabeen Qaraxyo Loo Adeegsanayey Shaani Oo Bulshada Lagu Cabsi Galinayay Dayaankooda Laga Maqlayay Magaaladda Gudaheeda,In Kastoo Ciidamadda Amnigu Ay Dabagal Ku Ahyeen Cid Kastoo Lagu Tuhunsanaa Abaabulka Falalka Ami Xumida Ee Muuse Iyo Kooxda Ii Watay Ay Magaaladda Ku Hayeen,


 

Markii Muuse Odayaal Dhaqdhaqaajiyay U Xusulduubayay In Muuse Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye Looga Hadho.Waxa Mar Qudha Xilalkay Hayeen Baneeyay Wasiiradii Xukuumadda Siilaanyo Uga Badnnaa,Kuwaas Ka Biyo Diiday Siday Wax U Socdaan Aaminsanaana Inaanu Muuse Biixi Lagu Aamini Karayn Kursiga Ugu Somaliland,


 

Markuu Talada Qabsaday Doorsahadii Muranka Badan Iyo Khilaafku Hadheeyeen,Muuse Biixi Wuxuu Duulaan Ku Qaaday Aan Loo Meel Dayin Ku Qaaday Dad Degaanaa Buurta Kala Jeexan Oo Ciidamo Hubaysani Ay Ku Waa Bariisteen Dhulkoodii.


 

Dadkaasi Dhulkooda Laga Qaaday Wali May Helin Xaqoodii Awoodda Laga Qaaday Iyo Cid Ay U Dacwoodaan Toonna.Maadaama Muuse Biixi Yahay Kan Ka Qaaday Hantidoodii.


 

11aguast Waxay Ciidamadu Si Badheedh Ah Dilal Toogasho Ugu Gaysteen Dhalinyaro Ka Qayb Qaadanayey Bannaanbaxyo Xisbiyada Mucaaradku Iclaaamiyeen Oo Laga Falcelinayay Doorashadii Muddo Dhaaftay Iyo Madaxwayne Muuse Biixi Oo Sheegay In Tartanka Ururaddu Yahay Ka Soo Horaynaya.


 

Dhalinyarada Ciidamadu Ay Tooganayeen Kaliya Waxay Siteen Boodhadh Ay Ku Xardhanaayeen In Doorashada Wakhtigeeda Lagu Qabto,Dil Loo Gaystaynna Wuxuu Ahaa Jariimad Lagula Kacay Xaquuqda Bani Aadanimada Iyo Tan Muwaadinka,Waxaanay Meesha Ka Saartay Xorriyatul Qowlka,


 

2,Garaad Jaamac Garaad Cali,Waa Mid Ka Mid Garaadada Reer Kuwooda Ugu Faca Wayn Marka Laga Hadlayo Taariikh Ahaan.Wuxuu Magaaladda Laascaanood Ka Maqnnaa Muddo Ku Siman 15sanno Oo Uu Qurbaha Ku Noolaa.


 

Garaad Jaamac Garaad Cali.Waa Ninka Dabka Ku Qbtay Kacdoonkii Bulshada Laascaanood Dhigayeen,Kuna Boorriyay Bulshada Reer Sool Ay Qoriga Qaataan Oo Magaaladooda Iyo Maatidooda Difaacaan,Waana Ninka Laga Guntay Weedha Caanbaxday Ee Gala Dagaalka.


 

Garaad Jaamc Garaad Cali Kuma Fakarin Dhaxal Xumida Ka Dhalanaysay Colaada Uu Iclaamiyay Oo Maxsuulkii Ka Soo Baxay Noqday Colaada Galaafatay Nafaha Dhalinyaro Badan Oo Nolosha Mustaqbal Ifaya Ku Laha Iyo Barakaca In Ka Badan 200 Oo Kun Oo Qoys Oo Ay Hubanti Laaan Tahay Noloshoodii.


 

Garaadka Caqligiigiisu Ma Suurayn In Aabihii Uu Qayb Ku Lahaa Goaankii Dhidibada Loogu Taagay Madaxbannaanida Somaliland 1991kii.


 

Garaad Jaamac Garaad Cali Xil Iska Saarin Dajinta Bulshadii Kacdoonka Hoggaaminaysay Doorkiisii Nabadanna Ka Qaadan,Maadaama Madax Dhaqameedku Ay Yihiin Aasaaska Nabadgelyadda Bulshada Soomaaliyeed Loo Daba Fadhiisto Laakiin Garaadku Marnaba Kuma Niyadsanmayn In Gobolka Sool Ka Sii Mid Ahaado Somaliland Inteeda Kale


 

 

 

Colaadda Gobolka Sool Oo Haatan Dhiig Badani Ku Daatay.Waa Laga Baaqsan Karayay Laakiin May Helin Caqli Saliim Ah Oo Loogu Taliyo Meesha Muuse Biixi Iyo Garaad Jaamac Oo Dagaal Oogeyaal Ay Caynaanka U Hayaan Rajo Buuran OoayLeedahay Ama La Filan Karaa Ma Jirto.Waa Masiibo Loo Soo Diray Gayigan Oo Baahan In Inta Sama Ka Taliska Ay Dabaqabtaan Inta Nool Cirridkaan Arkayo Ilko Kama Soo Socdaane,


 

Waa Colaaddii Ugu Xumad Ee Soomaali Dhex Marta.Wixii Ka Dambeeyay.Matkay Meesha Ka Baxday Dawladdii Dhexe Ee Somaliya Meesha Ka Baxday.Markaasoo Oo Dagaalo Sokeeye Oo Dad Badani Ku Riiqmay Ay Ka Dhaceen Meelo Badan Oo Ka Mid Ahaa Dhulwaynihii Somaliya La Isku Odhan Jiray,


 

Somaliland Waxay U Baahan Tahay In Laga Samatabixiyo Dhibaatada Muuse Dalka Cagaha U Galiyay Oo Ay U Horayso Colaadda Gobolka Sool Oo Muuse Damiciisu Ugu Wayni Ahaa Inuu Doorashada Madaxtooyadda Kaga Galgasho Si Uu Kursiga Muddo Dheer Baaqi Ugu Ahaado,Taasoo Iminka U Muuqata Inaanay Midaan Suurtogal Ahayn

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...